Warbaahinta Spain Oo Ogaatay In Zidane & Ramos Ay Taleefoonka Kula Xiriireen CR7 Si Ay Ugu Qanciyaan inuu Joogo Santiago.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Mustaqbalka weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaan wali sal yeelan kadib markii uu ka dhawaajiyay inuu isaga tagayo Real Madrid, balse tababare Zinedine Zidane ayaa rajeynaya inuu xidigaan ku qancin karo joogitaanka caasimadda Spain.

Macalinka reer France ayaa si dhaqso leh taleefoonka uga wacay xidiga reer Portugal si uu ugala hadlo ku dhawaaqista iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in go’aankiisa uu banaanka usoo baxo.

Sida warbixinta lagu qoray Ronaldo wax weyn ayey kaga dhigan tahay hadalka Ronaldo, waxaana ku tusinaya inuu xidigaan ku qanciyay inuu waqti yar ciyaaro xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay taas oo faa’iido fiican u noqotay xidiga iyo kooxdaba.

Fariinta Zidane uu u gudbiyay xidigiisa waxey aheyd mid cad isagoo u sheegay in kooxdiisa haatan ay u baahan tahay goolashiisa iyo sidoo kale maskaxdiisa guuleed taasoo ka dhigan inuu yahay lagama maarmaan.

Zinedine Zidane walwal badan kama qabo xaaladda xidigaan wuxuuna aaminsan yahay in kooxda ay xal u heli karto arintiisa isla markaana uu qudhiisa gacan ka geysan karo sidii wiilkii hore Man United loogu heyn

Sidoo kale tababaraha reer France wuxuu la hadli doonaa wiilkiisa inta lagu jiro xagaaga, hadii aysan kooxda xal u helin inta lagu jiro waqtiga fasaxa wuxuu go’aansan doonaa inuu kulan fadhi ah kula qaato magaalada Madrid.

Sidoo kale Zidane kaliya maahan shaqsiga doonaya in Ronaldo uu sii joogo kooxda, si la mid ah Sergio Ramos ayaa xidgiaan taleefoonka ka wacay wuxuuna ka codsaday inuu sii joogo garoonka Santiago Bernabeu.

Marka dib loogu laabto xusuusta sanadkii 2015 ayey aheyd markii Sergio Ramos ay soo martay xaaladaan oo kale markaas oo uu qarka u fuulay inuu isaga tago, balse Ronaldo ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku qanciyay inuu sii joogo kooxda, si la mid ah ayuuna doonayaa markiisa inuu ku qanciyo kabtanka Portugal inuu lasii joogo.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments