Warbaahinta Masar Oo Shaacisay Waqtiga Uu Xidiga Roma Mohamed Salah Caafimaadka U Mari Doono Liverpool.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Liverpool ayaan wali soo afjarin raacdada ay ugu jirto garabka As Roma Mohamed Salah, balse warbixino ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in xidigaan heerka caalami uu caafimaadka u mari doono Reds maalinta talaadada ah madama ay sare u qaadeen dalabka ay ku doonayaan.

Sida ay qortay KingFut – Reds ayaa ugu dambeyntii aqbashay iney bangiga u jabiso xidigii hore Chelsea iyo Fiorentina.

Dalab hordhac ah oo gaaraya 32 Malyan oo Euro ayey ka gudbiyeen balse si dhaqso leh ayaa loo soo diiday iyadoo Giallarossi ay kaliya ku qanci karto aduun dhan 40 Malyan oo Euro.

Haatan waxaa lasoo sheegayaa in heshiiska uu gaari karo ilaa 45 Malyan oo Euro madama lagu dari karo gunooyin lagu xiri doono bandhigiisa iyo koobabka uu kooxda la qaado.

Si kastaba Jurgen Klopp ayaa si fiican uga helay qaab ciyaareedka Mohamed Salah isagoo aaminsan inuu ku haboon yahay Reds.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments