Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

by Saed Balaleti | Monday, Jun 19, 2017

daily mirror

Manchester United ayaa sameyneysa wax walba oo ay ku soo xerogelin karaan Cristiano Ronaldo iyagoo ku dalbanaya 175 milyan ginni oo uu la socdo goolhaye David de Gea.

Liverpool ayaa aaminsan inay 35 milyan ginni ku soo xerogeliyeen xiddiga garabka uga ciyaara AS Roma Mohamed Salah.

the sun

Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu dhameeyo heshiiska riyada ee uu dib ugu laabanayo Manchester United.

Arsenal ayaa raadineysa inay 18 milyan ginni kula soo wareegto burburiyaha khadka dhexe ee kooxda Genk ee reer Belgium 18 milyan ginni.

Wakiil Mino Raiola ayaa sheegay in AC Milan ay u hanjabtay Gianluigi Donnarumma islamarkaana sidoo kale loo hanjabay qoyskiisa isagoo u muuqda mid ka tagaya San Siro ka dib markii uu diiday inuu saxiixo qandaraas cusub.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa dalbanaya in loo hubiyo mustaqbalkiisa kooxda koowaad ee Arsenal.

daily mail

Xiddiga Manchester City David Silva ayaa ciyaaraha ka fariisan doona haddii uu ugu danbeyn kor u qaado koobka Champions League.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa la xiriiriyay Cristiano Ronaldo si uu uga dhaadhiciyo inuu baaqi ku sii ahaado Spain.

the times

Barcelona ayaa bixineysa lacagta ay dib ugu soo iibsaneyso Gerard Deulofeu iyagoo 10.5 milyan ginni ku soo ceshanaya xiddiga Everton.

Chelsea ayaa ku dhow inay weeraryahan Bertrand Troare ka iibiso kooxda Lyon iyagoo ku helaya 15 milyan ginni.

Bafetimbi Gomis ayaa qarka u saaran inuu ka tago Swansea City oo uu ku biiro Galatasaray ka dib markii uu awoodi waayay inuu heshiis la gaaro Marseille.

daily express

Chelsea ayaa dalab horumarsan oo gaaraya 60 milyan ginni ka gudbin doonta daafaca bidix Alex Sandro maalmaha soo socda, Juventus ayaana aqbaleysa in heshiis la gaari karo.

the guardian

Chelsea ayaa dalab qaali ah u gudbin doona Juventus oo ku aadan Alex Sandro, waxaana ay 40 milyan ginni ku dalban doonaan Tiemoue Bakayoko.