Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Axad Ah

by Saed Balaleti | Sunday, Jul 16, 2017

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

the sun on sunday

Wadahadaladii qandaraaska cusbooneysiinta ee tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa joogsaday taasoo sii kordhineysa cabsida laga qabo mustaqbalkiisa kooxda.

Tababare Arsene Wenger ayaa boqolkiiba boqol kalsooni ku qaba in xiddiga garabka ka ciyaara Alex Oxlade-Chamberlain inuu sii joogo doono Arsenal inkastoo uusan saxiixin qandaraas cusub.

Xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska Ross Barkley ayaa laga yaabaa inuu loo dhaadhiciyo kooxda Everton ee da’dooda ka yar tahay 23 sanno jirada xilli ciyaareedka danbe.

Virgil van Dijk ayaa weli noqon kara xiddig 60 milyan ginni ugu wareega kooxda Liverpool xagaagan, ka dib markii uu daafaca Southampton sheegay inuu kaliya u dhaqaaqi doono Anfield.

Tababare Jose Mourinho ayaa loo sheegay inuu miiska soo saaro 45 milyan ginni haddii uu doonayo xiddiga garabka ka ciyaara ee Inter Milan Ivan Perisic.

sunday mirror

Manchester United ayaa dalbaneysa xiddiga khadka dhexe Toni Kroos in lagu soo daro heshiiska kasta uu David de Gea ugu wareegayo Real Madrid.

Manchester United ayaa sidoo kale diyaar u ah inay labada ciyaaryahan ee Matteo Darmian iyo Chris Smalling ku soo bedelato xiddiga Inter Milan Ivan Perisic.

Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa iska diiday daqiiqadii ugu danbeysay inuu u wareego horyaalka Shiinaha.

Liverpool ayaa tijaabin doonta ad-adeyga kooxda Bundesliga ka dhisan ee RB Leipzig iyagoo dalab 70 milyan ginni ah ka gudbinaysa xiddiga khadka dhexe Naby Keita.

Tottenham ayaa dooneysa in la dhameystiro heshiiska ay kula wareegayaan xiddiga khadka dhexe ee Everton Ross Barkley ka hor inta aysan u ambabixin Mareykanka isbuuca danbe.

Daafaca bidix ee Tottenham Danny Rose ayaa qandaraas cusub heli doona si ay kooxda meesha uga saarto xiisaha labada kooxood ee Manchester ka dhisan.

Kooxda Everton ayaa bartilmaameedsaneysa xiddiga garabka ka ciyaara ee Arsenal Theo Walcott oo ay ku doonayaan 30 milyan ginni.

Tababare Ronald Koeman ayaa diyaar u ah inuu kabtanimada Everton ku wareejiyo Wayne Rooney.

Arsene Wenger ayaa isku dayi doona inuu ka dhaadhiciyo Olivier Giroud inuu sii joogo kooxda ka dib markii uu awoodiisa soo bandhigay kulankii saaxiibtinimon ee ay shalayto ka badiyeen Western Sydney

Daafaca midig ee Talyaaniga Matteo Darmian ayaa weydiisan doona tababare Jose Mourinho inuusan ka hor istaagin riyadiisa ah inuu ku biiro Juventus.

 

sunday express

Real Madrid ayaa laga yaabaa inay diyaar u noqoto inay iska iibiso xagaagan Gareth Bale si ay lacag ku filan ugu helaan saxiixa weeraryahanka Monaco Kylian Mbappe.

Wayne Rooney ayaa ka baryaya xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska Ross Barkley inuu qandaraas cusub u saxiixo Everton.

Kooxda Everton ayaa la laabatay dalab 45 milyan ginni ah oo ay ku doonayaan xiddiga Swansea Gylfi Sigurdsson.

mail on sunday

West Ham ayaa dooneysa inay dhameystirto heshiiska ay kula wareegayaan goolhayaha kooxda Manchester City Joe Hart.

Liverpool ayaa rajeyneysa in xiddiga khadka dhexe Emre Can inuu saxiixo qandaraas cusub oo uusan ku biirin kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Leicester City ayaa ku adkeysaneysa in miiska loo soo saaro 40 milyan ginni iyadoo Roma ay ka go’an tahay saxiixa Riyad Mahrez.

daily star sunday

Muhiimada uu Ander Herrera u leeyahay Manchester United ayaa dhawaan la shaacin doonaa isagoo saxiixi doona qandaraas ay wadar ahaan ku kaceyso 41.6 milyan ginni.

Monaco ayaa diyaar u ah inay kubad adag la ciyaarto Arsene Wenger oo ku saabsan saxiixa xiddiga 45ta milyan ginni ee khadka dhexe Thomas Lemar.

Everton ayaa isku diyaarineysa inay deriskooda Liverpool kula tartamaan saxiixa daafaca dhexe ee Southampton Virgil van Dijk.

Lyon ayaa ka baxday heshiis 18 milyan ginni ah oo ay kula wareegi lahaayeen daafaca dhexe ee Manchester City Eliaquim Mangala.

Manchester United ayaa u sheegtay Everton iyo Roma inay iska ilaawaan saxiixa Anthony Martial.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments