Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ka Soo Baxa Qaarada Yurub

by Saed Balaleti | Thursday, May 18, 2017

Suuqa kala iibsiga ayaa haatan xiran laakiin waxaa soo dhow inuu furmo suuqii kala iibsiga xagaaga taasoo keeneysa inay badato xanta la xiriirta suuqa kala iibsiga.

Hadaba waxaan eegeynaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee lagu qoray wargeysyada ka soo baxa Spain, France, Italy  iyo Germany.

Spain

Arsenal ayaa dooneysa inay la soo saxiixato daafaca midig ee Real Madrid iyo Brazil Danilo. 25 jirkaan ayaa keyd kaga jira Los Blancos iyadoo Dani Carvajal uu booskiisa isku shamiinteeyay.

Kooxda Gunners ayaa waxaa sugeysa howl adag oo ay ku ceshanayaan Hector Bellerin kaasoo diirada u saaran Barcelona, waxaana ay raadinayaan bedelkiisa. (Don Balon)

Xiddiga kooxda Tottenham Moussa Sissoko ayaa waxaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo midkood kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo AC Milan.

Xiddiga reer France ayaa waqooyiga London yimid xagaagii hore heshiis 30 milyan ginni ahaa, laakiin waa uu ku hungoobay inuu saameyn ku yeeshay kooxda Spurs.

Gudoomiyaha Spurs Daniel Levy ayaa raadinaya inuu lacag kaash ah ku helo Sissoko marka uu furmo suuqa kala iibsiga, waxaana uu rajeynayaa inuu soo ceshto ku dhawaad wixii uu ka soo bixiyay. (Don Balon)

Weeraryahanka Sevilla Vitolo ayaa ku jira liiska ciyaartoyda ay dooneyso Manchester City xagaagan. Pep Guardiola ayaa isku dayi doona inuu weerarkiisa wax ku soo kordhiyo si uu u helo kubada uu doonayo inay kooxdiisa ciyaarto.

Iyadoo Nolito lala xiriiriyay inuu ku laabanayo Spain, waxaa boos ka banaanayaa kooxda iyadoo 27 jirkaan Vitolo qandaraaskiisa lagu burburin karo 40 milyan euro, waana nin booskaas buuxin kara. (Estadio Deportivo)

Germany

Xiddiga diirada u saaran Tottenham iyo Liverpool Maximilian Philipp ayaa sidoo kale waxaa isha la raaceysa kooxda Borussia Dortmund. 23 jirkaan oo sagaal gool u dhaliyay xilli ciyaareedkan kooxda SC Freiburg ayaa ka mid ah xiddigaha tayada leh ee sida weyn loo doonayo ee Jarmalka. (Kicker)

Xiddiga Bayern Munich Joshua Kimmich ayaa meesha ka saaraya wararaka soo jeedinayay inuu doonayo inuu kooxda ka tago xagaagan madaama uusan waqti badan oo uu ku ciyaaro uu ka heleynin Carlo Ancelotti.

22 jirkaan ayaa lala xiriiriyay kooxaha RB Leipzig iyo Manchester City, waxaana uu go’aankiisa cadeeyay markii uu yiri: “Xaqiiqda waxa ay tahay inaanan dooneynin inaan ka tago Bavaria.” (SportBild)

Xilli ciyaareed niyadjab leh oo soo maray Bayer Leverkusen ayaa keenay in kooxda ay bedesho siyaasadeedii suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda qaarkood. Xiddiga Chelsea diirada u saaran Hakan Calhanoglu ayaa loo ogolaan doonaa inuu baxo haddii dalab fiican laga soo gudbiyo si la mid ah Karim Bellarabi, Javier Hernandez iyo Kevin Kampl. (SportBild)

France

Franck Ribery ayaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto Marseille xagaagan.

34 jirkaan reer France ayaa wajahaya halis ku timaada booskiisa kooxda koowaad ee Bayern Munich iyadoo kooxda ay dooneyso inay Arsenal kala soo wareegto Alexis Sanchez.

Ribery oo hore ugu soo ciyaaray Marsielle ayaa ku laaban kara garoonka Velodrome si uu waayihiisa ciyaareed halkaas ugu gabagabeeyo (Le10Sport)

Tababaraha kooxda Nice Lucien Favre ayaa dhawaan lala xiriiriyay inuu u wareegayo Borussia Dortmund iyadoo shaki la gelinayo mustaqbalka tababare Thomas Tuchel. (Le10Sport)

Italy

Juventus ayaa isha la raaceysa inay labo ciyaartoy kala soo wareegto Lyon xagaagan. Kooxda Serie A ka dhisan muddo dheer xiiseyneysay Corentin Tolisso laakiin waxa ay dhawaan soo kale soo bandhigeen xiisahooda Clement Grenier.

Grenier ayaa amaah ku jooga kooxda ay Juve xafiiltamaan ee Roma laakiin haddii Roma ay ka faa’ideysan weyso fursadeeda ah inay si joogta ah kula wareegaan ciyaaryahanka markaas kooxda Turin ka dhisan ayaa ka hoos xadi doonta. (Calciomercato)

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments