Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Saaka Oo Talaado Ah.

by Saed Balaleti | Tuesday, Jun 20, 2017

the sun

Nemanja Matic ayaa doonaya inuu u wareego Manchester United oo uu dib u la midoobo tababarihiisii hore ee Chelsea Jose Mourinho.

Barcelona ayaa u soo bandhigi doonta Arsenal dalab 20 milyan ginni uu la socdo Rafinha si ay u la wareegaan daafaca midig Hector Bellerin.

Real Madrid ayaa dalban doonta wadahadalo ay la yeeshaan Cristiano Ronaldo ka dib marka uu soo dhamaado koobka Qaaradaha si ay ugala hadlaan qorshihiisa uu uga tagayo Spain.

Everton ayaa diyaar u ah inay rikoorkooda suuqa kala iibsiga mar kale u jabiso weeraryahanka Celtic Moussa Dembele.

Swansea ayaa u dhaqaaqday saxiixa halyeeyga Chelsea John Terry.

daily mirror

Real Madrid ayaa looga digay inaysan yareysanin hanjabaada Ronaldo, waxaana digniintaas bixiyay madaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon oo Ronaldo keenay Bernabeu.

Chelsea ayaa galeysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain.

Goolhaye Willy Caballero ayaa ku dhow inuu ku biiro Chelsea ka dib markii uu maray tijaabada caafimaadka.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Everton Gerard Deulofeu ayaa ku laabanaya kooxda Barcelona.

daily mail

Tababare Antonio Conte ayaa wadahadalo niyadsami leh la yeeshay Chelsea isagoo ka fiirsanaya inuu saxiixo qandaraas cusub.

Dani Alves ayaa weydiistay Juventus inay si xor ah ku fasaxaan iyadoo Manchester City iyo Chelsea ay isha ku hayaan daafaca midig ee reer Brazil.

daily star

Jose Mourinho ayaa albaabka ka xirtay suurtogalnimada uu Cristiano Ronaldo dib ugu soo laabanayo Manchester United.

Romelu Lukaku ayaa weli ah xiddiga koowaad ee diirada u saaran Chelsea inkastoo la soo jeedinayo inay sidoo kale doonayaan xiddiga diiran u saaran Manchester United Alvaro Morata.

Liverpool ayaa laga soo diiday dalab 36.7 milyan ginni oo ay ka gudbiyeen daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly.

Weeraryahanka Arsenal Takuma Asano ayaa sii joogi doona Stuttgart xilli ciyaareedka danbe isagoo raadinaya ogolaanshaha shaqo.

 

daily express

Manchester United ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa inay dib u la soo wareegto Cristiano Ronaldo.

Xiddiga Real Madrid James Rodriguez ayaa jeclaan lahaa inuu ku biiro Manchester United marka loo eego Chelsea.

the guardian

Dani Alves ayaa u sheegay Juventus inuu doonayo inuu baxo xilli lala xiriirinayo Manchester City.

daily telegraph

Antonio Conte ayaa wadahadal la yeelan doona milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich iyadoo kooxda heysata koobka Premier League ay rajo ka qabto inuu saxiixo qandaraaska cusub.