Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska Maanta Oo Khamiis Ah

by Abdirahman Qoslaaye | Thursday, Dec 1, 2016

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha shabakadda Laacib.net, waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan idinkaga soo aruurinayay warbaahinta caalamka. sheeko walba waxaan u xaglin doonaa halka aan kasoo xiganay taasoo meesha ka saareysa inaan masuul ka noqono dhabnimada iyo jiritaanka warkaas.

suuqa

Macalinka England Gareth Southgate ayaa laga yaabo inuu kabtanimada ka xayuubiyi kabtanka Manchester United Wayne Rooney uuna siiyo dhigiisa Liverpool Jordan Henderson. (Daily Express)

Macalinka Crystal Palace Alan Pardew aya rajeynaya inuu helo lacag dhan £5 milyan oo pound hadii laga ceyriyo shqada kooxdiisa maadaama uu kula jiro heshiis ee 2020.(Times – subscription required)

Manchester United ayaa aad u dooneysa soo xerogelinta weeraryahanka Barcelona Neymar waxayna diyaar ula yihiin lacag dhan £180 milyan oo pound iyadoo la fahansan yahay in xidiga uu ka fakarayo mustaqbalkiisa kooxda La Liga. (Daily Record)

Weeraryahanka United Anthony Martial ayaa diirada u saaran Paris St-Germain. (Sun)

Liverpool ayaa isu diyaarineysa iney bisha January soo qaadato weerayahanka Celtic Moussa Dembele, which could lacag dhan £20 milyan oo pound. (Glasgow Live)

West Ham ayaa qorsheyneysa iney dalab £25 milyan oo pound ah ka gudbsio weeraryahanka kooxda Bournemouth  Callum Wilson, 24.(Guardian)

Southampton ayaa fahansan iney lumin doonaan daafacyada Virgil van Dijk iyi Jose Fonte bisha waxayna u kala dhaqaqi doonaan Liverpool  iyo Manchester United sida ay u kala horeeyaan. (Sun)

Chelsea ayaa qorsheyneysa iney £24 milyan oo pound ku soo qaadato daafaca Napoli ee Faouzi Ghoulam. (Le Buteur, via Calciomercato)

Macalinka Blues Antonio Conte ayaa si tartartiib ah uga saaraya kooxdisa daafaca 35 jirka ah ee John Terry iyadoo qandaraaska daafacaan uu dhici doono bisha June. (Daily Mail)

Arsenal ayaa dooneysa saxiixa da’yarka burburiyaha ah ee Real Madrid Marcos Llorente, oo amaah kula raaxeysanaya Deportivo Alaves, laakin wey ku dhibtoon doonaan maadaama uu doonayo inuu raaco wadadii aabihiis, awoogiis iyo adeerkiisa kuwaasoo dhamaan u wada ciyaaray Los Blancos.  (Don Balon via Daily Star)

Napoli ayaa kula dagaalami doonta Manchester City iyo Juventus saxiixa xidiga Ajax weerarka kaga ciyaara ee Kasper Dolberg, 19. (Corriere dello Sport – in Italian)

Leicester City ayaa wada hadalo meel fiican maraya kula jirto kooxda Genk oo ay £14 milyan oo pound ay uga doonayaan daafaca 19 jirka ah ee Wilfred Ndidi.

Like it? Share it!

Leave A Response