Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska Maanta Oo Arbaco Ah

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Nov 30, 2016

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha shabakadda Laacib.net, waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan idinkaga soo aruurinayay warbaahinta caalamka. sheeko walba waxaan u xaglin doonaa halka aan kasoo xiganay taasoo meesha ka saareysa inaan masuul ka noqono dhabnimada iyo jiritaanka warkaas.

suuqa

Arsenal ayaa xiiso u qabta iney lasoo saxiixato goolhayaha da’da yar ee kooxda Atletico Madrid Jan Oblak, balse lama filayo iney Gunners bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa oo dhan £85m (Sida Ay Qortay: Goal)

Kubad Sameeyaha Gunners Mesut Ozil Iyo Garabka Paris Saint Germain Angel Di Maria oo labaduba 28-jiro ah ayaa doonaya iney dib ugu soo laabtaan kooxda Real Madrid. (Sida ay qortay: Marca).

Tababaraha Crystal Palace Alan Pardew ayaa wadahadal la gali doono gudoomiyaha kooxda Steve Parish madama suuragalnimada booskiisa uu shaki badan ku jiro. (Evening Standard).

Juventus Iyo Inter Milan ayaa mar kale baacsanaya xiddiga khadka dhexe Tottenham Hotspur iyo qaranka France Moussa Sissoko, kaas oo waayay booskiisa xagaagan. (Sida ay qortay: Calciomercato).

Daafaca Chelsea iyo qaranka Serbia Branislav Ivanovic wuxuu bartilmaameed u yahay kooxda Juventus, 32-jirkaan heerka caalami ayaana heshiiskiisa uu dhici doono dhamaadka xagaagan. (Sida ay qortay: Telegraph).

Tababaraha kooxda wacdaraha dhigeysa ee RB Leipzig – Ralph Hasenhuttl -, ayaa kusoo biiray liiska macalimiinta la filayo iney badalaan Arsene Wenger hadii uu go’aansado inuu isaga tago Emirates. (Sida ay qortay: The Sun).

ben

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Milan Piero Ausilio ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay xiiseyneyso xiddiga Chelsea weerarka kaga ciyaara Diego Costa, xilli la hadal hayay iney kooxdaan 50 Malyan ku dooneyso 28-jirka reer Spain. (Sida ay qortay: Express).

West Ham ayaa ceshan doonta 29-jirka heerka caalami ee reer France Dimitri Payet, waxeyna ka dhigi doonaan xiddiga ugu mushaarka badan kooxda madama uu xiiso ka helay Manchester United. (Sida ay qortay: The Sun).

Ac Milan ayaa xiiseyneysa weeraryahanka kooxda Napoli, Manolo Gabbiadini kaas oo ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee horyaalka Serie A-da. (Sida ay qortay: Football-Italia.net)

Like it? Share it!

Leave A Response