WAR CUSUB: Maxaa Ka Jira In Tababare Guardiola Uu Haddaba Ansixiyay In Sergio Aguero Uu Chelsea Oo Ay Blues Badal Uga Dhigato Diego Costa?

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jul 16, 2017

Chelsea ayaa suuqa kala iibsiga ugu jirta gool dhaliye tayo sarre leh oo badal toos ah u noqda Diego Costa oo uu Antonio Conte kooxdiisa ka caydhiyay isla markaana aan loo ogaan doonin in uu markale dib ugu soo laabto Stamford Bridge, laakiin waxaa hadda soo baxay war sheegaya in Chelsea ay doonayso sidii ay Manchester City ugala soo wareegi lahayd Sergio Aguero.

journalistaha ree Spain ee Manu Sainz ayaa shaaca ka qaaday in isaga loo sheegay in Chelsea ay doonayso Kun Aguero isla markanaa uu Guardiola haddaba aqbalay in xidiga ree Argentina uu Chelsea ku biiri karo. Antonio Conte ayaa si wayn u doonayay saxiixa  Romelu Lukaku kaas oo 75 milyan oo gini ugu biiray Manchester City.

Ilwareed Chelsea ayaa Sky Sports hore ugu xaqiijisay in waqtigii Diego Costa ee Chelsea uu si rasmi ah u soo dhamaaday isla markanaa waxa uu Conte si wayn suuqa uga baadi goobayaa gool dhaliyihii uu xili ciyaareedka cusub isku halayn lahaa waxaana macyada lala xidhiidhinayo Blues ka mid ah Pierre-Emerick Aubameyang  oo Borussia Dortmund ka tirsan iyo Alvaro Morata si la mid ah gool dhaliyaha Torino ee Andrea Belotti .

Laakiin waxay hadda u muuqataa in Chelsea ay dareenkeeda ku soo jeedisay Sergio Aguero  wuxuuna wariyaha ree Spain ee  Manu Sainz uu bartiisa twitterka uu ku xaqiijiyay: “Iyagu waxay ii sheegeen in Chelsea ay doonayso Kun Aguero, Guardiola haddaba Ok-da ayuu siiyay hawl galkan”.

Sergio Aguero tweet

Mustaqbalka Sergio Aguero ayaa tan iyo xili ciyaareedkii hore mugdi ku jiray markii uu Etihad Stadium soo gaadhay Gabriel Jesus isla markaana uu Guardiola kaydka dhigay xidiga ree Argentina wuxuuna macalinka ree Spain si wayn u doonayaa Alexis Sanchez taas oo xaalada Aguero sii adkayn karta haddii uu Etihad Stadium ku soo biiro.

Haddii ay dhacdo in Antonio Conte uu Aguero ku helo kooxdiisa waxa xidiga ree Argentina noqon karaa mid ka mid ah ciyaartoydii magaca waynayd ee u kala gudba kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga. Aguero ayaa 122 gool oo premier Leaque-ga u soo dhaliyay Manchester City kadib markii uu soo saftay 181 kulan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments