WAR CUSUB: Man United Oo Ugu Danbayn Adeega David De Gea U Waayi Doonta Real Madrid Iyo Florentino Perez Oo Baanka Kooxdiisa U Jabinaya Saxiixa Heshiiskii Fashilmay Ee De Gea.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 21, 2017

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaan wali ka quusan xidigii uu sida xun ugu fashilmay heshiiskiisa ee David De Gea kaas oo xagaagii 2015 kii loo diyaariyay goobtii saxaafada loogu soo bandhigi lahaa kadib markii ay kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ka heshiiyeen iibkiisa laakiin mishiinka Fax-ka Madrid ayaa sabab u noqday in aan waqtigii suuqu xidhmayay aan waraaqihii FA-ga loo gudbinayay laga helin.

Daqiiqadii ugu danbaysay Real Madrid iyo David De Gea ayaa waji gabax wayn la kulmay wuxuuna cadhadii goolhayaha ree Spain qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu markii hore diiday in uu Old Traffrod u saxiix laakiin Louis Van Gaal ayaa liiska kooxdiisa ka saaray De Gea si uu umariyo ciqaabta uu markaas mutaystay.

Maamulada Manchester United iyo Real Madrid ayaa war saxaafadeedyo cadho badani ka muuqatay saxaafada isku mariyay iyada oo midba kan kale uu ku eedeeyay in uu sabab u ahaa burburinka iyo fashilka heshiis dhamaystirnaa oo lagu dhawaaqi lahaa kaas oo uu De Gea ku xidhan lahaa maaliyada cad ee Madrid.

Laakiin idaacada ree Spain ee Cadena SEr ayaa shaaca qaaday in markale uu madax waynaha Real Madrid ee Perez uu baanka kooxdiisa u jabin doono sidii uu ugu danbayn ku heli lahaa saxiixa De Gea isaga oo ka dhigi doona goolhayihii abid suuqa kala iibsiga ugu qaalisanaa.

Inkasta oo ay Real Madrid doonayso in bisha January ay kooxda Athletic Bilbao kala soo wareegto goolhayaha da’yarka ah ee Kepa Arrizabalaga, waxa ay sidoo kale Los Blancos qorshaynaysaa in dhamaadka xili ciyaareedkan ay la soo saxiixato Davdid De Gea kaas oo si buuxda u doonaya in uu Madrid ku laabto.

Idaacada Cadena SER ayaa shaacisay in Real Madrid ay 62 milyan gini ku kharash garayn doonto saxiixa goolhaye David De Gea inkasta oo ay sidoo kale qiimo £44 milyan gini ah ku heli karto goolhayaha aadka loo qiimeeyo ee Kepa Arrizabalaga kaas oo dhawaan amaan wayn ka helay David De Gea oo ay xulka qaranka Spain ka wada tirsan yihiin.

David De Gea ayaa xili ciyaareedkan si wayn u caawinaya kooxda Jose Mourinho isaga oo 8 kulan shabaq nadiif ah kala baxay 12 kii kulan ee Premier Leaque ay Red Devils ka soo ciyaartay, laakiin mar walba De Gea ayaa diyaar u ah in uu bixi karo haddii Real Madrid ay si dhab ah u doonayso saxiixiisa.

Si kastaba ha ahatee, Jose Mourinho ayaan si sahlan ku fasixi karin De Gea laakiin waxa uu sidii horeba u dhacday dalban doonaa xidigo ka tirsan Real Madrid oo uu ugu horeeyo Gareth Bale halka Luka Modric iyo Toni Kroos uu jecel yahay in uu Old Traffrod keeno waxaana sidoo kale ka mid ah xidigaha uu Mourinho shuruud kaga dhigi karo Madrid Raphael Varane.