Lix Xaqiiqo Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Xafladda Caawa Lagu Bixinayo Abaalmarinta Ballon d’Or.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Majaladda France Football Magazine ayaa go’aansatay iney xaflad u sameyso abaalmarinta Ballon d’Or oo ay bixiyaan sanad walba waxeyna soo bilaabeen nus qarni ka hor, xaflad weyn ayey qaban qaabinayaan kana dhici doonta magaalada Paris.

Ballon d’Or waa mid ka mid ah Jaa’izooyinka ugu sareeya heerka kubadda cagta waxaana loo tixgelin jiray xiddiga yurub ka hor inta aysan la midoobin FIFA Best Player of the Year sanadkii 2009 markaas oo loo bixiyay labadii abaalmarin FIFA Ballon d’Or.

Heshiiskii ay galeen FIFA iyo France Football Magazine ayaa dhamaaday 2015, waxeyna sanadkii lasoo dhaafay bixiyeen markii ugu horeysay, waa markii ugu horeysay oo xaflad loo qabanayo abaalmarintaan madama Ronaldo loogu geeyay Spain sanadkii hore, ka hor inta aysan la midoobin FIFA iyo kadib markii ay kala jabeen wax xaflad ah looma sameyn jirin.

Waqtiga Xafladda?

Xafladda waxey ka dhici doontaa Eiffel Tower, saacadda markey tahay 7:45 Fiidnimo (Waqtiga Paris) kuna beegan 6:45 Maqribnimo (UK) 9:45 Habeenimo (Xiliga Geesk Afrika).

7-da December ayeyna dhacdada dhici doontaa [Khamiis].

Halkee Laga Daawan Doonaa?

Kaliya waxaa xuquuqda leh TV-yo u gaar ah majaladda L’Equipe, kuwaas oo qaatay baahinta.

Yaa Daadihin Doona Xafladda?

Xafladda waxaa daadihin doona xidigii hore Tottenham Hotspur iyo xulka qaranka France David Ginola.

Former Tottenham and Newcastle winger David Ginola will be hosting the ceremony in Paris

Sidee Loo Go’aaminayaa Guuleystaha?

France Football magazine ayaa dooratay 173 wariye oo ay ka keentay daafaha dunida, kuwaas oo codeyn doona, waa codeyn xiran oo aan u furneen taageerayaasha, waxeyna daawadayaasha ka arki doonaan wax walba baraha bulshada.

“The Best” Maahan “Ballon d’Or”

Yeysan isaga kaa qaldamin labada abaalmarin “The Best” waxaa bixiya FIFA, halka Ballon d’Or ay bixiso France Football Magazine, Ronaldo ayaa ugu cad-cad kaas oo barbareyn kara Messi oo shan jeer horay u qaaday.

2009 ilaa 2015 ayey labada abaalmarin mideysnaayeen, balse haatan waa kuwa kala madax banaan oo aan isku mid aheyn.

Yaa Ku Hardamaya?

Waxaa ku hardamaya oo midkood la siin doonaa Ronaldo & Messi, walow Cristiano uu yahay kan ugu cad-cad madama uu wax walba ku guuleystay, waxaana ku jira dhawr xidig oo liiska kusoo baxay mana lahan Short List ka kooban sadex xidig.

Tartamayaasha Lasoo Xulay:

Neymar – Paris Saint-Germain

N’Golo Kante – Chelsea

Luka Modric – Real Madrid

Paulo Dybala – Juventus

Marcelo – Real Madrid

Edin Dzeko – Roma

Harry Kane – Tottenham

David De Gea – Manchester United

Robert Lewandowski – Bayern Munich

Kevin De Bruyne – Manchester City

Karim Benzema – Real Madrid

Pierre-Emerick Aubemyang – Borussia Dortmund

Edinson Cavani – Paris Saint-Germain

Lionel Messi – Barcelona

Mats Hummels – Bayern Munich

Philippe Coutinho – Liverpool

Luis Suarez – Barcelona

Jan Oblak – Atletico Madrid

Sergio Ramos – Real Madrid

Dries Mertens – Napoli

Radamel Falcao – Monaco

Sadio Mane – Liverpool

Gianluigi Buffon – Juventus

Antoine Griezmann – Atletico Madrid

Toni Kroos – Real Madrid

Cristiano Ronaldo – Real Madrid

Eden Hazard – Chelsea

Leonardo Bonucci – AC Milan

Isco – Real Madrid

Kylian Mbappe – Paris Saint-Germain

Abaalmarintaan markii ugu dambeysay oo xidig Ingiriis ah uu hanto waxey aheyd 2001 markaas oo la siiyay Michael Owen oo ka tirsanaa Liverpool.