Waqtiga Uu Cristiano Ronaldo Kasoo Muuqan Doono Maxkamadda Si Loo Dhageysto Dacwadiisa Canshuur Lunsiga Oo La Ogaaday.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Kiiska Canshuur Lunsiga Cristiano Ronaldo ayaa la dhageysan doonaa 31-ka July iyadoo Cristiano Ronaldo uu markii ugu horeysay kasoo muuqan doono maxkamadaha dalka Spain.

Kabtanka Portugal waxaa lagu eedeeyay inuu tiro laba jeer ah lunsaday canshuur dhan 13 Malyan oo Pound, waana arinta keentay in mustaqbalka xidigaan uu noqdo mid aan sal laheyn madama uu ka dhawaajiyay inuu isaga tago.

32-jirkaan wuxuu gaaray go’aan aan laga laaban doonin sida ay qoreen warbaahinta Portugal iyo Spain kaas oo ah inuu isaga tagayo garoonka Santiago Bernabeu, madama uu aaminsan yahay in loola dhaqmay sida dambiilaha.

Ronaldo waxaa si daran loola xiriirinayaa Manchester United sidoo kalana Paris Siant Germain ayaa qeyb ka ah kooxaha xiiseynaya taasoo ku dhaw iney si xor ah kula wareegto saxiibkiisa Portugal Kilper Pepe.

Si kastaba Ronaldo 31-ka July – ayaa lagu arki doonaa CR7 maxkamadaha Spain si kiiskiisa loo dhageysto.