Waqtiga Lagu Dhawaaqi Doono Jadwalka Horyaalka Premier League Ee Fasalka Soo Aadan Oo La Shaaciyay & Faah-Faahinta Laga Bixiyay.

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska iyo maamulka Premier League ayaa isla gartay in 14-ka June oo ay taariikhdu maanta tahay lagu dhawaaqo jadwalka ciyaaraha horyaalka ee fasal ciyaareedka 2018/2019.

Sida qorshaha yahay saacado kadib ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa wax walba oo ku saabsan kulamada la ciyaari doono fasalka xiga, waxaana durba lasii ogyahay inuu bilaaban doono 11-ka August isla markaana uu dhamaan doono 19-ka May.

Tottenham Hotspur ayaa heysata ilaa Jimcaha iney FA-ga ku wargaliso hadii ay fasalka xiga isticmaali doonto garoonka Wembley, waxaana xusid mudan iney fasalkii lasoo dhaafay oo dhan isticmaaleen.

Wali ma hayaan xaqiiqo ku saabsan inuu diyaar noqon doono garoonkooa cusub ee ay ku bixiyeen aduun dhan 850 Malyan oo Pound.

Afarta wareeg ayaa la ciyaari doonaa kulamada horyaalka ka hor inta aan la aadin ciyaaraha qaramada ee ugu horeeya kuwaas oo dhici doona bilowga isbuuca labaad ee September 8 iyo 9, waxaana dib la isugu soo laaban doonaa 15-ka September oo ah 3-maalmood ka hor bilaabashada Champions League wareegiisa group-yada.

Manchester City ayaa ah kooxda difaacaneysa horyaalka, sidoo kalana Cardiff City, Fulham iyo Wolverhampton Wanderers ayaa kusoo biiray kooxaha heerka koowaad.