Waqiga Caafimaadka, Mushaarkiisa & Barnaamijka El Chiringuito de Jugones Oo Lagu Kashifay Wax Walba Oo Ku Saabsan Heshiiska Uu Mauro Icardi Ugu Wareegayo Real Madrid.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi ayaa u wareegi kara Real Madrid marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January, waxaana lasoo warinayaa inuu ka hor sanadka cusub caafimaadka u mari doono.

Los Blancos ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato weeraryahanka ugu goolasha badan Serie A-da xilli ciyaareedkaan kadib markii ay dareentay baahi dhanka weerarka ah taasoo ugu wacan ineysan qaab fiican ku jirin Ronaldo, Benzema & Bale.

Wariyaha caanka ah ee Pipi Estrada soona jeediya barnaamijka El Chiringuito de Jugones ayaa qiray in kabtanka Inter Milan uu dhamaadka sanadkaan caafimaadka u mari doono Real Madrid si uu u dhameystiro heshiiskiisa marka ay daaqada kala iibsiga furanto.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Los Blancos ay goor hore sheegatay iney 81 Malyan oo Pound kula heshiiyeen Inter Milan si ay u helaan xidigii hore kuleejada La Masia, waana 24-jir ku jira waqtigiisii ugu fiicnaa kubadda cagta.

Heshiiska waxaa ka mid ah sida warbixinta lagu gudbiyay in Real Madrid ay bixin doonto aduun dhan 70.5 Malyan oo Pound, sidoo kalana 10.5 Malyan oo Pound ay tahay gunno lagu xiri doono arrrimo gaar ah.

Real Madrid waxey dooneysaa iney ka faa’ideysato xidigaan kaas oo u ciyaari kara wareega bug-baxda Champions League madama uusan tartankaan kasoo muuqan xilli ciyaareedkaan.

Sidoo kale Pipi Estrada wuxuu qiray inuu xidigaan Santiago Bernabeu ka qaadan doono aduun dhan 7.94 Malyan oo Pound sanadkii, 30% wuxuu heli doonaa xuquuqda sawirada

Todobaadkii wuxuu qaadan doonaa 152,000 kun oo Pound kadib canshuurta, sheekadaan ayaana kusoo aadeysa xilli Icardi uu qiray in isaga iyo qoyskiisa ay ku faraxsan yahiin talyaaniga.