Wali Laysma Gaadhin! Madax Fulinta AC Milan Ee Marco Fassone Oo Sheegay Saddex Gool Dhaliye Oo Qaali Ah Oo Kooxdiisa Diirada U Saaran.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jul 16, 2017

Aduunka oo dhan ayaa ka yaaban waxa ay AC Milan suuqa kala iibsiga ka samaynayso laakiin waxay wali u muuqataa in aan lays gaadhin oo ay wax badani soo socdaan. Madax fulinta AC Milan ee Marco Fassone ayaa diray fariin kale oo cusub oo ku aadan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuuna shaaca ka qaaday saddex gool dhaliye oo lacag qaali ah lagu qiimaynayo midkood in uu AC Milan soo gaadhi doono.

Marco Fassone oo si layaableh uga shaqaynaya in AC Milan  ay dib guu soo laabato doorkii ay horyaalka Talyaaniga iyo Yurub ku lahayd ayaa sheegay in kadib heshiiskii Leonardo Bonucci uu doonayo in uu haysato mid ka mid ah Andrea Belotti, Alvaro Morata ama Pierre-Emerick Aubameyang taas oo Milan-ta cusub ka dhigi doonta mid laga cabsado.

Rossoneri ayaa ah kooxda xagaagan indha suuqa kala iibsiga xaday  waxayna kharash garaysay lacag ka badan  €211 milyan oo euros iyada oo waliba uu Lucas Biglia uu isna 17 milyan euros uu kaga soo wareegayo Lazio. Laakiin madax fulinta AC Milan ee Marco Fassone ayaa sheegay in heshiiskii Bonucci uu ahaa mid waali ah oo ayna markii hore xataa filayn in ay isku dayi karaan.

Marco Fassone oo ka hadlaya heshiiskii Bonucci ayaa yidhi: “Waxay ahayd fikrad waali ah xataa maanu doonayn in aanu isku dayno laakiin markii uu  Vincenzo Montella uu noo sheegay ayaanu sii riixnay. Waa saxiix aad muhiim u ah in aan aragno in hadda ciyaartoydii kooxaha Champions Leaque-gu ay doonayaan in ay anaga nagu soo biiraan, imaatinka Bonucci waa calaamad mustaqbal. Leo waa geesi iyo hogaamiye kaas oo garoonka gudihiisa iyo dibadiisa wax wayn nagu siin doona”.

Intaa kadib Marco Fassone ayaa ka hadlay magacyada gool dhaliyaasha ay tahay in ay la soo saxiixdaan wuxuuna yidhi: ” Magacyo badan oo gool dhaliyaal xoogan ah ayaa la sheegay. Wax fiican ayay noqon doontaa in aan haysano midkood Belotti, Morata ama Aubameyang, waxaan eegi doonaa ka doorashadu ka duldhacdo”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments