Wadamada Ugu Cad-Cad, Hadii England Ay Hanan Karaan Koobka Aduunka & Jose Mourinho Oo Amaanay Xiddigiisa Jesse Lingard.

Jose Mourinho ayaa aaminsan in England ay ku guuleysan karaan koobka Aduunka isla markaana ay heystaan koox xoogan oo dhamaan ka wada ciyaara horyaalka ugu fiican dunida sida uu qabo.

Macalinka reer Portugal wuxuu carabka ku adkeeyay in England ay leeyahiin awood ku filan oo ay ku qooraansadaan koobka Aduunyaa, sidoo kalana si layaab leh ay ugu soo guuleystaan inkastoo aysan ku jirin kooxaha loo saadaalinayo.

England ayaan wax koob ah ku guuleysan mudo 52-sanadood ah tan iyo markii ay ku guuleysteen koobkii Aduunka 1966, mar walbana waxey dareemayaan iney u ooman yahiin hanashada koobka ugu weyn caalamka.

Saddexda libaax waxey la ciyaari doonaan Tunisia kulankooda ugu horeeya wareegga group-yada tartanka maalinta Isniinta ah, balse ka hor kulanka Jose ayaa afkiisa kala furay.

“England waxxey heystaan koox dhalinyaro ah balse ka kooban ciyaartoy khibrad leh” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Dhamaantood waxey ka ciyaaraan horyaalkooda oo ah kan ugu wanaagsan aduunka – Premier League – Dhamaantood waxey u ciyaaraan kooxaha ugu wanaagsan. Damaan waxey leeyahiin khibrad ay ku ciyaareen Champions League”

“Sidaas darteed, waxaan is leeyahay wuu ku guuleysan karaan”

Dhanka kale Jose wuxuu qabaa in wadamada Spain, France, Germany iyo Brazil ay yahiin kuwa ugu cad-cad sida muuqata balse wuxuu yiri: “Waxey heystaan ciyaartoy fiican, balse ciyaartoy fiican mar walba ma sameeyaan koox fiican”

“Mararka qaar, koox aan sidaas aheyn ayaa qaab maskax ahaan u sameyn kara wax fiican. Tusaale ahaan – Portugal, laba sano ka hor (Euro2016), wey ka fogaayeen koox fiican, balse wey ku guuleysteen”

“Uma maleynaayo inaan la yaabi doono, sida wadan aan waligood ku guuleysan”

Ugu dambeyntii Jose Mourinho ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Jesse Lingard uu yahay mid kaftan badan xilli uu booqanayay iskuulaad ku yaala London isagoo safiir u ah shirkadda gawaarida Jugar.

“Jesse Lingard waa wiil xun, balse aad u shactiro badan”

“Waa mid shactiro badan kaas oo aan arbushaad ka sameynin fasalka, waa wiil ka qosliya dadka sidoo kalana aan macalinka ka careysiinin”

“Waa midka wax walba waqtigooda saxda ah ka shaqeysiiya isagoo adeegsanaya hab wanaagsan, qof walba oo fasalka ku jirana ka qosliya, isla markaana abuura jawi fiican” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Waa jawiga aan u baahanahay inuu mar walba ku jiro fasalkeena, sababto ah waxaan sidoo kale soo ahaa macalin iskuul, waana garanayaa waxey la macno tahay”