Waayihii Ciyaareed Ee Javier Mascherano Ee Barcelona Oo Soo Dhamaaday Iyo Barca Oo Heshiis La Gaadhay Kooxda Hebei Fortune.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Jan 11, 2018

Waayihii ciyaareed ee Javier Mascherano ee garoonka Camp Nou ayaa soo dhamaaday waxaana arintiisa heshiis ka gaadhay Barcelona iyo kooxda ree China ee Hebei Fortune sida uu daabacay wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxaa.

Javier Mascherano ayaa hore u cadeeyay in uu lumiyay booskiisii kooxda kowaad iyo muhiimadii uu Camp Nou ku lahaa wuxuuna ku adkaystay in aanu cidna ku eedaynayn oo ay masuuliyadiisa tahay wuxuuna soo qaatay dhaawacyadii soo gaadhay oo uu salka u saaray in Valverde uuna waqti badan oo uu ku ciyaaro ka helin.

Laakiin kooxda ree China ee Hebei Fortune ayaa waqti dheer doonaysay saxiixa xidiga ree Argentina ee Javier Mascherano kaas oo ay hadda Barcelona aqbashay dalab 10 milayn euros oo kaliya ah oo uu Camp Nou kaga baxayo sida lagu sheegay warbixinta Sport.

Barcelona ayaa haddaba maanta ku dhawaaqday badalka tooska ah ee  Javier Mascherano  ka hor inta aanu dhaqaaqin kooxda ree China ee Hebei Fortune waxayna Barcelona la soo saxiixatay Yerry Mina kaas oo ay ka soo bixisay 11.8 milyan euros oo kaliya inkasta oo ay suuqa xagaaga ku heli kartay 9 milyan euros oo ay hore ugula heshiisay balse in heshiiskiisa la soo horumariyay ayaa keentay in qiimo kale ay ku darto.

Javier Mascherano ayaa Barcelona uga baxaya sidii uu ugu dabaalami lahaa booskiisa koobka aduunka ee xulka qarankiisa Argentina kadib markii uu boos ka waayay Samuel Umtiti iyo Gerard Pique isla markaana uu Thomas Vermaelen saamayn xoogan la soo baxay.

Si kastaba ha haaatee, wargayska Sport ayaa sheegay in heshiiska Javier Mascherano uu kaga baxayo Barcelona lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda waxaana sidoo kale la filayaa in xidigo kale ay dariiqiisa raaci doonaan.