Waaxda Canshuuraadka Spain Oo Mar Kale Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Ganaax Lacageed Kusoo Rogay.

Wargeysa El Mundo ayaa shaaca ka qaaday in waaxda canshuuraadka dalka Spain ay mar kale ku dhageen mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda Real Madrid iyadoo la xasuusto in todobaadkaan lagu kala baxay sheekadii canshuurta ee Marcelo.

Luka Modric oo dhawaan loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa UEFA ayaa lagu heystaa dacwad ka dhan ah canshuuraha, waxeyna waaxda canshuuraadka Spain ka doonayaan inuu canshuur celin ku aadan 2012 sameeyo.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2012 inta badan uu ku qaatay wadanka Ingiriiska, isla markaana sanadkaas dhan uu canshuurta Ingiriiska bixiyay, balse Spain waxey ku heystaan inuu bixiyo isla canshuurta sanadkaas isagoo kaliya u ciyaaray kooxdiisa cusub 4-bilood oo qura.

Xafiiska waaxda canshuuraadka waxey aaminsan yahiin iney xiddigaan ku leyahiin canshuur celin ay tahay inuu bixiyo, waxeyna ku ganaaxeen adduuna dhan 1.2 Malyan oo Yuuro.

Luka Modric wali wuxuu ku dhex jiraa dood dhanka sharciga ah oo kala dhaxeysa xafiiska waaxda, waxeyna u sheegeen inuu bixiyo lacagta sare ku xusan, sidoo kalana xiddigaan wuxuu qaatay go’aan uu racfaan ku gudbinayo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo xiddig ka tirsan Real Madrid ama shaqsi magac ku leh kubadda cagta lagu qabsado sheeko canshuur la xiriirta horay ayeyna ugu dhacday, Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Jose Mourinho, Marcelo iyo Alexis Sanchez.