“Waan Xasuustaa, Wali Waan Ku Qarwaa” Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xidiga Uu Necbaa Inuu Wajaho Waqtigiisa Dambe Ee Premier League”

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Halyeeyga Man United Rio Ferdinand ayaa magacaabay in Eden Hazard uu yahay xidiga uu ugu necbaa inuu wajaho waayahiisii dambe ee kubadda cagta, isla markaana uu haatan ku qarwo sida uu u necbaa.

Garabka Chelsea Eden Hazard wuxuu kusoo biiray horyaalka Premier League sanadkii 2012 iyadoo la joogo waqtigii ugu dambeeyay Rio Ferdinand waayahiisa madama uu hawlgabay sanadkii 2015 isagoo ku sugan kooxda Queen’s Park Rangers.

Eden wuxuu wajahay Rio Ferdinand isagoo ka tirsan laba xilli ciyaareed oo kaamil ah, mana iloobo wixii dhexmaray labadooda.

“Wali waan xasuustaa, waana ku qarwaa” ayuu yiri Rio Ferdinand oo la hadlayay BT Sport

“Kaliya waa inaan ku farxaa inuu markaas geesta ka ciyaarayay, markii uu ka hoos ciyaarayay Jose Mourinho wuxuu mar walba xaadir ku ahaa dhanka bidix, sidaas darteed dhankeyga ma uusan imaaneynin, waana dhabtii wax wanaagsan”

“Balse haatan waxaan ku aragnaa afka hore goolka, waa mid cajiib ah in la daawado, waana ninka xaqiiqdii Chelsea ka dhigay koox isku xiran”