“Waan Wer Wersanayaa,” – Cristiano Ronaldo Oo Qiray HAL Arrin Oo Real Madrid Ku Saabsan Kaddib Labadii Gool Ee Uu Shalay Dhaliyey

 

Kaddib markii uu labadiisii gool ee ugu horreeyey Serie A-ga ka dhaliyey Sassuolo, Cristiano Ronaldo waxa uu qiray in uu werwer dareemayey markii uu ka tagayey Real Madrid.

“Aad ayaan u faraxsannahay, Sassuolo si wanaagsan ayey u dheeshay,” ayuu u sheegay Sky Italy kulanka kaddib.

“Waa in aan mudnaanta isa siinno, aad ayaan u adkeyn, fursado badan ayaan sameynay, caadiyan waan ku faraxsannahay in aan goolashii ugu horreeyey dhaliyey.

“Waxa ugu muhiimsan waa in kooxdu badiso, malaha waan yara wer werayey; waa caadi, kaddi ka soo tegiddii Madrid iyo wax walba oo dhacay.”

Juventus waxa ay Ronaldo 112 million euros uga soo iibsaday Real Madrid waxa uuna u mahaceliyey saaxiibadiisa kooxda.

“Mararka qaar ma xakameyn karno wer werka, laakiin waan ogaa in saaxiibadey iyo aniga aan shaqo adag haynnay iyo in goolasha imaanayaan,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Wali waxaan wadaa la qabsiga horyaalka.”