Waa Sidee Xiriirka U Dhexeeya Ozil & Emery? Xiddigga Ayaa Ka Jawaabaya

 

Mezut Ozil waxa uu sheegay in xiriirka isaga iyo Unai Emery in uu wanaagsan yahay kaddib markii uu xalay gool dhaliyey.

Ozil waxaa laga reebay safka Arsenal kulankii West Ham waxaana xoogeystay wararka sheegaya in ay is hayaan Emery.

Isaga oo wariyeyaasha la hadlaya kulankii xalay kaddib, Ozil waxa uu sheegay in uu xanuun la daalaa dhacayey muddoooyinkii dambe.

Kahor ciyaarta, Emery qudhiisa waxa uu sheegay in xiriirka isaga iyo Ozil wanaagsan yahay.

Ozil waxa uu hadalkii Unai Emery kaddib soo bandhigay ciyaar waaagsan isaga oo dhaliyey gool kulankii xalay ee Newcastle.

Ozil waxa uu yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay u ciyaaridda Arsenal gaar ahaan tababaraha cusub.

“Waan dhalineynaa waana faraxsannahay, xataa ciyaaryahanada aan ciyaarin, dhammaan koox ayaan nahay.”

Kulankii Saint James Park waxa uu ahaa kii 200-aad ee uu Ozil u dheelo Arsenal.

Taas daraadeed, Germany-ga wuu ku faraxsaaa in uu sadde dhibcood uu wado helo.

“Waan faraxsannahay laakiin waxaa ugu muhiimsan saddex dhicood ee aan qaadanay.

“Hambalyo kooxda dhan, si wanaagsan ayaan u dheelnay. Newcastle aad ayey u wacneyd, wey dagaalantay. Waxaa muujinay muxubadeena waxaana qadanay dhibcaha.”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Ozil waa ciyaryan wangsn waxan uu rajenay inuu so bad dhigo ciyar wangsn kulan kasto oo ciyaro arsenal waa koxo dhameys tiran lakin Isfaham koda aay wax badan ka dhiman dhanka wererka taso carqawad badan kaga imanayso intaaa badanana wayo haduuu wererkaga usan golo ansixini adiga ayuuy wererka ku soo fulay marka Arsenal waxa Kalo carqawad ka heysato dhanka garbaha taso intaaa badan dhiba too ku ah is fahamka ciyartoda hadadan haysani garbo xogan ma ciyari Karti runtiiiii

Comments are closed.