Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Mohamed Salah Kadib Dhaawacii Xalay Looga Saaray Kulankii Swaziland?

Xaaladda dhaawac ee Mohamed Salah ayaa la qiimeyn doonaa isla markaana baaritaano lagu sameyn doonaa kadib markii dhaawac looga saaray kulankii uu qarankiisa Egypt 4-1 kaga badiyay Swaziland kulan ka tirsan koobka African Cup of Nation 2019.

Xiddigaan heerka caalami ayaa isagoo dhutinaya kabaxay garoonk kulankii ka dhacay magaalada Qaahira, waxaana xusid mudan inuu si toos ah u dhaliyay “Gees ka laad”.

Salah ayaa dhulka faristay oo awoodi waayay inuu ciyaarta sii wato, wuxuu ka baxay garoonka iyadoo Egypt aysan heli karin badalkiisa maadaama uu badalkii ka dhamaaday, waqtiga inta uga haray waxey ku dhameysteen 10-xiddig.

Tababaraha xulka Masar Hany Ramzy ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac xiddigiisa soo gaaray uusan aheyn mid qatar badan, waana akhbaar farxad leh oo si hordhac ah ay u maqleen jamaahiirta kooxda Reds.

“Baaritaan caadi ah oo lagu sameeyay dhaawac ayaa xaqiijiyay dhaawac yar jiro, balse ma jirto dilaac soo gaaray muruqa” ayuu yiri Ramzy oo la hadlayay wargeyska Yallakora.

Sidoo kale macalinka wuxuu saxaafadda la wadaagay iney si walba u taageeri doonaan xiddigoosa, balse dhaawaca uusan aheyn mid halis galin kara inuu garoomada wax badan ka maqnaado.

Masaarida waxey talaadada wajahi doonaan kulan ku celis ah isla xulka Swaziland, halka kulanka xiga ee kooxdiisa Liverpool ay la leedahay Huddersfield Town.