Waa Maxay Sababta Jordan Henderson Kursiga Keydka Loogu Soo Bilaabay Kulanka Muhiimka Ah Ee Spurs?

Tababare Jurgen Klopp ayaa sharraxay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu kursiga keydka dhigo xiddiga hogaamiya kooxdiisa ee Jordan Henderson, waxeyna noqotay sheeko uu lama filaan u arko xiddiga reer England.

Jordan waxaa loo badinayaa inuu kusoo bilaaban doono kulanka xiisaha leh oo ay talaadada la ciyaari doonaan Paris Saint Germain, waxaana kaga soo hormaray shaxda saxiixa cusub ee kooxda Naby Keita.

Macalinka reer Jarmal wuxuu aaminsan yahay in xiddigiisa uusan wali taam buuxa u noqon inuu mar walba kooxdiisa matalo isla markaana uu qaab jireed ahaan u baahan yahay inuu u buuxsamo, waana tan ka dhigtay inuu kursiga keydka lagu soo bilaabo.

“Wax badan ayaan u baahanahay Henderson, ma u maleynayo iney waqti xaadirkan wax dareen ah leedahay inuu maalinna ciyaaro maalinna maqnaado, waana waxa jira” ayuu yiri Jurgen Klopp.

Sidoo kale Klopp wuxuu qabaa in xiddigiisa uu u baahan yahay inuu si dhaeystiran jir ahaan u noqdo mid xoogan, sidoo kalana uu la qabsanayo.

“Waan hubaa inuu maanta awoodaas lahaan doono marka uu soo galo, iyo sidoo kale talaadada”

Dhanka kale Jamie Redknapp ayaa aad ula yaabay in Henderson lagu soo bilaabi waayo, balse lagu soo bilaabi doono kulanka Paris Saint Germain.