Waa Maxay Sababta Aysan Man United Ugu Farxin In Anthony Martial Uu Dhaliyo Goolkii Barabaraha Ee Newcastle? & As Monaco Oo Faa’iido Ku Qabta.

Weeraryahanka reer France Anthony Martial ayaa ka farxiyay jamaahiirta Red Devils todobaadkaan markii uu goolka barbaraha ka dhaliyay Newcastle United kulan ay kooxdiisa soo rogaal celin guul ah ku gaartay garoonka Old Trafford, balse maamulka Red Devils kuma farxin.

Goolka uu dhaliyay xiddiga reer France waxaa la aaminsan yahay inuu ugu yaraan badbaado u noqday mustaqbalka tababare Jose Mourinho kaas oo aan inta badan adeegsan xiddiga heerka caalami, balse wuxuu gaaray darajo farxad u ah kooxdiisii hore Monaco maadaama uu dhaliyay goolkiisii 25-aad.

Heshiiska uu Anthony Martial ku yimid garoonka Old Trafford waxaa qeyb ka aheyd gunno lagu xiray hadii uu dhaliyo 25-gool, waxaana Man United kadib goolkaas ku waajibay iney bixiso adduun dhan 10 Malyan oo Yuuro.

Heshiiska wuxuu ahaa: “Hadii Anthony Martial uu dhaliyo 25-gool oo horyaalka ah ka hor 2019 waxey Man United bixineysaa 10 Malyan oo Yuuro”

Dhanka kale laba heshiis oo shuruudo lagu xiray ayaa jiray balse aysan u muuqan inuusan xiddiga buuxin karin isla markaana ay Monaco ku weyn doonto adduun dhan 20 Malyan oo Yuuro.

Waxaa lagu heshiiyay hadii uu Anthony Martial u safto qaranka France 25-kulan ka hor January 2019 iney Red Devils bixin doonto 10 Malyan oo Yuuro, wey adag tahay inuu gaaro maadaama 18-kulan qura uu u saftay xulkiisa sidoo kalana ka hor January aysan qaramada ciyaari doonin.

Sidoo kale heshiiska waxaa ka mid ahaa hadii xiddigaan uu soo galo liiska musharaxiinta abaalmarinta Ballon d’Or ka hor 2019 hal jeer iney United bixin doonto 10 Malyan oo Yuuro, mana soo galin liiskii ugu dambeeyay ee bishaan lasoo saaray.

Sidaas darteed United inkastoo todobaadkaan ay 10 Malyan faraqa ugu shubtay Monaco, hadana waxaa u badbaaday 20 Malyan oo Yuuro.