Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoyda Ee Saakay Oo Sabti Ah Loogu Hadal-Heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkaan Ka Aqriso Liiska Oo Dhameystiran.

Salamu calaykum waraxmatulaah, dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saaka oo Sabti ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay waxayna koox kastaaba u furan tahay in ay samayso saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.

Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.


Daafaca reer Paraguay Fabian Balbuena ayaa noqday xiddiga loogu hadal heynt abadan yahay, aad ayuuna ugu dhaw yahay inuu ku biiro kooxda West Ham United. Fabian oo ka tirsan kooxda Corrinthians ayaa kusoo jeeda horyaalka Premier League.

Felipe Anderson ayaa u muuqda mid soo gaari doona magaalada London si uu ugu biiro kooxda West Ham United, si la mid ah xiddiga Sunderland Joel Asora ayaa isna kusii jeeda Swansea City.

Jorginho ayaa ah magaca ugu weyn ee liiskaan ku jira, xiddiga reer talyaani wuxuu qarka u saaran yahay ku biiritaanka kooxda Chelsea, wuxuu noqon karaa saxiixa ugu horreeya ee Maurizio Sarri uu kusoo kordhiyo Stamford Bridge.

Gelson Martins ayaa isna kusii jeeda Atletico Madrid halka Matteo Darmian oo ka tirsan Man United uu isna kusii jeedo kooxda Inter Milan.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran: