Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Talaado Ah Loogu Hadal-Heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkaan Ka Aqriso Liiska Oo Dhameystiran.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Salamu calaykum waraxmatulaah, Ramadaan Kariim dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maanta oo Talaado ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmaya 1-da July waxayna koox kastaaba si hordhac ah ugu dadaaleysaa iney hesho saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.

Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.


Ciyaariyahankii hore Barcelona – Sandro Ramirez ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Everton, isagoo kasoo tagaya Malaga, wuxuu noqday ciyaariyahanka kaliya ee kaalinta 1-aad ka qabsaday Jermain Defoe oo muddo ugu horeeyay.

Jermain Defoe wuxuu soo galay maanta kaalinta labaad madama sheekadiis iyo sida ay u dhamaan doonto aan la ogeyn walow wali lagu qiimeeyo in heshiiskiisa uu dhaw yahay.

Theo Hernandez wey dhawdahay sheekadiisa, waxaana la filayaa in todobaadkaan lasoo afjaro, halka Mohamed Salah rajada laga qabo inuu Liverpool aad ay maanta aad u sareyso maadama lagu soo waramay inuu usoo duulay England.

Gerard Deuloefeu ayaa dib ugu laabanaya Barcelona iyagoo 10 Malyan oo Pound kaliya dib ugula wareegi kara waa iney soo dhameeyaan ka hor dhamaadka bishaan.

Alvaro Morata ayaa isna lala xiriirinayaa Man United wali inkastoo Perez uu xaqiijiyay inuusan wax dalab ah ka helin United.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xiriirinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments