Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Isniin Ah Loogu Hadal-Heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkaan Ka Aqriso Liiska Oo Dhameystiran.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Salamu calaykum waraxmatulaah, Ramadaan Kariim dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maanta oo Isniin ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmaya 1-da July waxayna koox kastaaba si hordhac ah ugu dadaaleysaa iney hesho saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.

Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.


 

 

Inkastoo wararka ugu badan ee ay qorayaan warbaahinta kubadda cagta ay yahiin khilaafka soo kala dhex galay Real Madrid & Cristinao Ronaldo, hadana kabtanka Portugal marnaba sooma galin maanta hadal heynta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Tiemoue Bokayoko oo ka tirsan Monaco ayaa kusii dhawaanaya inuu galbeedka London dago isla markaana ku biiro Chelsea – Blues arinta xidigaan iyadaa ugu sareysa madama lasoo wariyay bishii hore iney heshiis hordhac ah la gaarene.

Alvaro Morata arintiisa wali wey jiitameysaa iyadoo Man United iyo Real Madrid aysan wali isku fahmin lacagaha xidigaan, sidoo kalana waxaa caqabad ku noqon kara doonista Red Devils ee CR7.

Wargeyska Marca ayaa shalay qoray in Real Madrid ay inta lagu jiro isbuucaan soo dhameyn doonto saxiixa Theo Hernandez walow aan la ogeyn sida laga yeeli doono.

Dhinaca kalana M’Baye Niang ayaa mar kale looga gacan haatinayaa Premier League, amaah ayuu ugu ciyaaray Watford, balse markaan Everton ayaa si toos ah u dooneysa iney ula wareegto xidiga Milan.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xiriirinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran: