Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axad Ah Loogu Hadal-Heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkaan Ka Aqriso Liiska Oo Dhameystiran.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Salamu calaykum waraxmatulaah, Ramadaan Kariim dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maanta oo Axad ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmaya 1-da July waxayna koox kastaaba si hordhac ah ugu dadaaleysaa iney hesho saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.

Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.


Musalsalka Jermain Defoe wali lama soo afjarin taasoo ka dhigan inuu wali ugu sareynayo liiska ciyaartoyda loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda duhurnimadaa.

Sidoo kalena Real Madrid waxey dar-dar galisay wararka la xiriirinaya Theo Hernandez kaas oo la filayo in isbuucaan gudahiisa lasoo afjaro sheekadiisa waana daafac bidix oo waxtarkiisa ku muujiyay Deportivo Alaves oo uu amaah ku qaatay.

Mohamed Salah ayaa ka mid ah liiska tobanka ciyaartoy ee maanta laga hadal hayo suuqa, kaas oo ku dhaw inuu dhameystiro ku biiritaanka Liverpool, halka Marco Verratti sheekadiisa aad loo hadal hayo xidigaan wuxuu PSG ka dalbaday in la iibiyo – Barcelona ayaana ugu cad-cad.

Manchester United kama dhamaato liiskaan – walina waxey maaro u la’dahay soo afjaridda Ivan Perisic iyo Alvaro Morata heshiiskooda.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xiriirinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran: