Waa Kuwee Tobanka Ciyaartoy Suuqa Kala Iibsiga Loogu Hadal-haynta Badan Yahay Ee Ugu Qiimaynta Sareeyaa? Iyo Ciyaartoy Magacyo Wayn Oo Ku Soo Baxay

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Asalaamu calaykum waraxmatulaah ,habeen wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujka  tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee inta ugu badan ay warbaahinta ciyaaruhu wax ka qoreen.Waxaa soo dhawaanaya waqtiga uu mar labaad dib furmi doono suuqa qaboobaha ee bisha January waxayna kooxuhu suuqa ka raadsanayaan xidigaha ay kooxahooda ku soo xoojin karaan.Transfer list

Sidii aad noogaga barateen barnaamijkan ayaa lagu soo bandhigaa ciyaartoyda  inta ugu badan looga hadlo suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xidhiidhinayo kooxo cusub taas inta ugu badan marar u dhacday sidii loo qiimeeyay waxaana barnaamijkani uu banaanka soo dhigay liiska ciyaartoy tiro badnaa oo xagaagii dhawayd ku biirtay kooxihii lala xidhiidhinayay.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxayna si joogto ah tan iyo suuqii xagaaga ay  u soo gudbin jirtay hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibisaga iyo kooxaha doonaya ee lala xidhiidhinayo.

Sky

 Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah qiimaynta la siiyo xidigahaha qarka u saaran in ay kooxo cusub ku biiraan sida ugu wayn loogaga hadlo suuqa waxayna barnaamijkan iska kaashada  Sky Sports iyo Football Whispers. Habddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee maanta suuqa inta ugu badan looga hadlay.

Waxaa qiimaynta tobanka ciyaartoy ee suuqa kala iibisaga loogu hadal-haynta badan yahay hogaaminaya difaaca kooxda PSG ee Thiago Silva oo lala xidhiidhinayo kooxda Juventus oo dhaawacyo ka soo gaadheen Dani Alves iyo Leonardo Bonucci.Thiago Silva

Waxaa kaalinta labaad  qiimaynta ciyaartoyda loogu hadal-haynta badan yahay suuqa kala iibsiga difaaca kooxda Burnley ee Michael Keane kaas oo si xoogan loola xidhiidhinayo kooxdiisii h--e ee Manchester United. Red Devils ayaa wali daba socota  isla markaana ka shalaynaysa in ay Keane si sahlan ku bixisay wuxuuna muujiyay waxa ay Man United difaaceeda uga baahan tahay. Mourinho ayaa doonaya in Michael Keane dib ugu soo celiyo Old Traffrod balse Burnley ayaa lacag badan ku doonaysa waxaana sidoo kale jira kooxo kale oo saxiixiisa doonaya.

michael-keane

Xidigaha ugu magaca wayn ee liiskan ku soo baxay ayuu ugu horeeyaa gool dhalyaha kooxda Chelsea ee Diego Costa oo ay Inter Milan ku doonayso lacag qaali ah. Costa oo xili ciyaareedkan qaab ciyaareed aad u fiican ku jira ayaa la sheegay in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxdiisa balse Inter Milan ayaa doonaysa in ay xidiga ree Spain la wareegto.costa

Waxa kale oo liiskan ku jira difaaca kooxda Southampton ee Virgil van Dijk oolal xidhiidhinayo kooxda Liverpool, wuxuuna Klopp doonayaa in Van Dijk ku soo xoojiyo difaaca kooxdiisa. Liverpool iyo Southampton ayaa leh xidhiidh fiican oo dhinaca suuqa kala iibsiga ah iyada oo Liverpool ciyaartoy badan kala soo wareegtay.

Haddaba halkan kaga bogo tobanka ciyaartoy ee inta ugu badan Suuqa Kala Iibisaga Looga Hadlay kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba ilwareedkii uu ka soo baxay wararka xidigahan kooxaha kale lala xidhiidhinayaa:

 

Like it? Share it!

Leave A Response