“Waa Kuma Qofka Nasiibka Leh?” Paul Pogba Oo Baraha Bulshada Soo Galiyay Sawir Ay Shumis Ugu Deeqday Atariishada Hollywood-ka Julia Roberts

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Atariishada Hollywood-ka Julia Roberts ayaa ka yaabsatay dunida Axaddii markii ay booqasho ku timid garoonka Old Trafford xilli kooxda ay taageerada ba’an u tahay ee Man United ay barbaro 1-1 ah la gashay West Ham ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Waxey u muuqatay iney ku faraxsaneed imaatinka garoonka Old Trafford iyadoo Paul Pogba uu soo galiyay baraha bulshada sawir uu la dhalaalay markaas oo ay shumisay gabadhaan caanka ah.

Xiddigga ugu qaalisan dunida ayaa sawirka wadajir ah soo dhigay bartiisa Instagram-ka isagoo hoosta kaga soo qoray: “Maanta kaliya lama kulmin atariisho weyn, balse waxaan la kulmay haweeney cajiib ah, “Waa Kuma Qofka Nasiibka Leh?


Sidoo kale xiddiga khadka dhexe United Ander Herrera ayaa nasiib u yeeshay inuu sawir la galo gabadha ku guuleysatay abaalmarinta Oscar isagoo sidoo kale soo dhigay barta bulshada.

julia-roberts

Julia Roberts ayaa daawatay ciyaartii ay United barabraha gashay iyadoo uu dhinac fadhiyay ninka ay u dhaxdo sidoo kalana ah sawir sameeyaha aflaanta Daniel Moder iyo sadexdeeda caruur Patricia, Phinnaeus iyo Henry,

waxeyna goob joog u noqdeen kooxda ay taageeraan oo ku fashilmeysa iney guul ka helaan West Ham sidoo kalana tarabuunka la saarayo Jose Mourinho.

julia-roberts-2julia-roberts-3julia-roberts-1

Like it? Share it!

Leave A Response