Waa Kuma Cristiano? Philippe Coutinho Oo Doortay Sadexda Ciyaartoy Ee Uu Aaminsan Yahay Iney Ugu Fiican Yahiin Dunida Kubadda Cagta

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Nov 30, 2016

Ciyaariyahanka Liverpool khadka dhexe uga ciyaara Philippe Coutinho ayaa shaaca ka qaaday in sadexleyda weerar ee Barcelona Lionel Messi, Neymar Junior Iyo Luis Suarez ay yahiin sadexda xidig ee ugu wanaagsan dunida waqtigaan isla markaana ay mudan yahiin iney ku dagaalamaan Abaalmarinta Ballon d’Or isagoo meesha ka saaray awoodda Cristiano Ronaldo.

Xidigaan reer Brazil ayaa aad loola xiriirinayay mudooyinkii ugu dambeeyay kooxda Barcelona, layaabse ma lahan inuu amaa ugu qubeeyo saaxiibkisa qaranka Brazil, saaxiibkiisii h--e Liverpool Suarez iyo wiilka ay dhalashada qaaradeed wadaagaan ee Messi.

pc

“Sadexda xidig ee ugu sareysa ee aan u dooran lahaa iney aduunka ugu wanaagsan yahiin waa MSN” ayuu yiri Philippe Coutinho oo la hadlayay FourFourTwo.

“Mid waa xawaare badan yahay, midna waa xirfadle cajiib ah sidoo kale waxaa jira gooldhaliyaha ugu sareeya, dhabtii waa ciyaartoy is dhameystirta”

Philippe Coutinho ayaa aaminsan in lasoo hadal qaadi karo Ronaldo kadib Messi, Suarez Iyo Neymar madama uu sadexdaan xidig ku tilmaamay kuwa is dhameytira mar walba.

Ugu dambeyntiina hadalka Coutinho ayaa kusoo aaday in mashiinka Los Blancos [CR7] uu yahay kan ugu cad-cad inuu hanto Abaalmarinta Ballon d’Or madama uu laba tartan oo muhiim uu qaaday sanadkaan iyo in El-Clasico ay dhici doonto Sabtida.

Like it? Share it!

9 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Cr7 02-12-2016 at 1:02 am - Reply

    Horta waa kuma coutinho kuma naqaan gabanoow soo barbaar 🤔🤔🤔🤔🤔🤔

  2. karrish 30-11-2016 at 7:57 pm - Reply

    anigo ah taagere Liverpool FC, Philipe Coutinho ciyaar wax kama yaqaan lkn hadalka meeshu u wado wan dareemayaa….

  3. awil 30-11-2016 at 3:40 pm - Reply

    Waar waxba kamu hadlin waa ciyaal hada indho dilaacsaday
    BBC wali waxba kamu arag
    Sadexda uu sheegayba waa latin america waa qabiayste dhinaca kalana

  4. ayaanle 30-11-2016 at 2:14 pm - Reply

    Kan yari neymar uunbuu uhadlayaay e so baro dhe kubada

  5. ayaanle 30-11-2016 at 2:11 pm - Reply

    Haday lacibiinta aduunka yihiin may sosidaat iska celiyaan sawkuwii baahay ee bareejada dirqiga ku keenay Ronaldo waa laacibka aduunka sxb viva bbc

  6. Yacquub Naymer 30-11-2016 at 12:51 pm - Reply

    Sxb Yuusuf Ninkan Comentiga Waad Aregtaa inuu Yahay Tageera Madrid Waa lawada Ogyahay iney Ragani yihiin Laacibnta Aduunka

  7. Yacquub Naymer 30-11-2016 at 12:48 pm - Reply

    Sxb Ninkan Comentiga Waad Aregtaa inuu Yahay Tageera Madrid Waa lawada Ogyahay iney Ragani yihiin Laacibnta Aduunka

  8. Yacquub Naymer 30-11-2016 at 12:45 pm - Reply

    Absolutely Runtii kahadlay waa sadexda Laacib Ee Aan Dunida Laga heli karin Messi Neymar Suerez
    lakiin Ciristiyano Sheeko mahayo waa Lamacaneyaa Oo keliya Viva Lions World Barce

  9. yusuf 30-11-2016 at 12:28 pm - Reply

    midkaaga qorey komantiga adigaba waa ogtahay iney yahiin msn xidigaha aduunka ugu wanaagsan hadii aadan isyeel yeelen ama aadan aheyn taagere madred.viva msn

Leave A Response