Waa Kulankee Kulankii Sababta U Noqday In Lionel Messi Uu U Ooyo Sida Inay Hooyadiis Geeriyootay Oo Kale?

Elvio Paolorosso oo ahaa macalinkii jirdhiska ah ee la soo shaqeeyay tababare Gerardo Martino markii uu hogaaminayay Argentina ayaa qeexay waqtigii ugu xumaa ee Lionel Messi ee intii uu ciyaaryahan ahaa.

Saacado ka dib markii Argentina laga badiyay markii labaad ee isku xigta Copa America sannadii 2016, Paolorosso ayaa si kama ah waxa uu u galay Messi oo ooyaya.

“Qolka labiska ka dib finalkii Copa America waxa uu ahaa mid aad u xanuun badan, laakiin wixii ugu xumaa waa ay soo socdeen” ayuu yiri.

“2dii habeenimo mar ay tahay waxaan aaday qolka keydka, waxaan halkaas ku arkay Leo Messi oo kaligiis ah, waxa uu u ooynayay sida inan yar oo hooyadiis ay geeriyootay.” ayuu Paolorosso qiray.

“Waxa uu ahaa mid muuqaalkiisa laga naxayo, mana jiri cid aamusin kartay. Waxaan geliyay xabadka waxaana isla cabnay khamri.

“Waxaan Messi la joogay Barcelona iyo Argentina, waxa kaliya aan u hayo ayaana ah ereyo mahadnaq ah. Waxa uu ahaa mid mar walba lala shaqeyn karo, xitaa waxa uu ogaan jiray haddii oogada garoonka ay jilicsan tahay ama adag tahay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Lionel Messi ayaa haatan ka maqan xulka qaranka Argentina inkastoo uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo xulkiisa Argentina ay mar kale ku soo fashilmeen Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Ruushka.

Argentina oo rajo ka qabta in Messi uu mar kale u ciyaaro xulka ayaana go’aansatay inaan la isticmaalin maaliyadiisa No.10 ilaa iyo uu xiddiga Barcelona go’aan rasmi ah ka gaarayo mustaqbalkiisa Argentina.