UCODEE: UEFA Oo Soo Saartay Shanta Ciyaartoy Ee Ku Tartamaya Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Kulamadii Siddeed Dhamaadka Ee Champions Leaque-ga, Min Ronaldo Ilaa Dybala Oo Liiskan Ku Soo Baxay.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u soo saartay liiska shanta ciyaartoy ee ku tartami doona goolkii ugu quruxda badnaa kulamadii siddeed dhamaadka ee Champions Leaque-ga. Xalay ayaa la soo xidhay kulamadii siddeed dhamaadka waxaana soo baxay kooxaha Real Madrid, Juventus, Atletico Madrid iyo AS Monaco oo markale afar dhamaadka ku sii loolami doona.

Waxaa liiskan ku soo baxay Cristiano Ronaldo oo tartankan kaga qayb galaya goolkii uu Bayern Munich ka dhaliyay kulankii lugtii hore ee Allainz Arena waxaana sidoo kale liiskan meel sare kaga jira Paolo Dybala oo isna tartankan kaga qayb galaya goolkii uu Barcelona ka dhaliyay kulankii lugtii hore ee Turin ka soo dhacay.

Da’yarka kooxda AS Monaco ee Kylian Mbappe ayaa liiskan qayb ka ah wuxuuna ku tartamayaa goolkii quruxda badnaa ee uu ka dhaliyay Borussia Dortmund kulankii Signal Iduna Park ee ay Monaco 3:2 guusha ku soo gaadhay waxaana sidoo kale liiskan qayb ka ah da’yarka Real Madrid ee Marco Asensio kaas oo isna gool qurux badan ka dhaliyay Bayern Munich ee kulankii Bernabeu.

Waxaa liiskan dhamaystiray Radamel Falcao oo gool qurux badan ka dhaliyay Borussia Dormund kulankii xalay ee ay Monaco 3:1 guusha ku gaadhay. UEFA ayaa haddaba bilawday in jamaahiirta kubbada cagta aduunku ay goolashan kala xulan karaan waxaanad qayb ka noqon kartaa dadka u codaynaya goolkii ugu quruxda badnaa. Haddii aad codkaaga dhiibanayso waxaad ka codayn kartaa linkigan UEFA.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments