U Tartamayaasha Abaalmarinta Shaqsiga Isboortiga Ee BBC Oo La Soo Saaray – Gareth Bale Iyo Mo Farah Oo Ka Mid Ah.

by Saed Balaleti | Tuesday, Nov 29, 2016

Gareth Bale ayaa ka mid ah 16ka musharax ee abaalmarinta sannadlaha ee BBC Sport Personality  oo la bixin doono 18ka bisha December.

Xiddiga Real Madrid iyo Wales ayaa ka mid ah labo xiddig oo kubada cagta ah oo ku jira liiska musharaxiinta iyadoo midka kale uu yahay xiddiga Leicester City iyo England Jamie Vardy.

Xiddigii ugu danbeeyay ee kubada cagta ee loo magacaabo Shaqsiga Isboortiga Sannadka waxa uu ahaa ninka ay Bale isku wadanka yihiin Ryan Giggs oo ku guuleystay abaalmarinta sannadii 2009.

cyyzrqtwiaa87an

Abaalmarinta waxaa si weyn ugu cadcad sannadkaan xiddiga kubada tenniska Andy Murray ka dib markii uu sannadkaan ku guuleystay Wimbledon, bilada dahabka ee ciyaarihii Olimbikada islamarkaana uu sannadka ku dhameystay isagoo World No. 1 ah.

Sidoo kale waxaa ku jira orodyahanka Ingariiska ee asalkiisa Soomaaliga yahay Mohamed Farah kaasoo guulo ka soo hooyay mar kale ciyaarihii Olimbikada.

Guuleystaha waxaa u codeeyay dadweynaha oo codkooda ku dhiiban kara online ama taleefan habeenka la qabanayo xaflada Shaqsiyaadka Isboortiga Sannadka ee BBC oo lagu qabanayo magaalada Birmingham.

Like it? Share it!

3 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. sisuu 29-11-2016 at 2:40 pm - Reply

    moha farah waa somalilandr wna nin an ku fano

  2. sisuu 29-11-2016 at 2:39 pm - Reply

    waa wacal moha farah wana caloshis u shaqayste isaga iyo wxii tagerana isma dhaman

  3. Max 29-11-2016 at 2:05 am - Reply

    I will vote for mohmed farah wayo he is somalilander .

Leave A Response