Tribal Football: Arsenal Oo Qorsheyneysa Iney Iska Iibiso Alexis Sanchez – Balse Kaliya Waa Marka Ay Hesho Pierre-Emerick Aubameyang.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Arsenal ayaa kaliya ku qanci karta iney hesho weeraryahanka Borrusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang hadiiba ay iibineyso xidigooda reer Chile Alexis Sanchez kaas oo ay isku heysstaan kooxo badan oo qaaradda yurub ka dhisan.

Gunners waxey aaminsan tahay inuu ka haqabtiri karo baahida dhanka weerarka iyadoo og inuu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay uu gooldhalinta Bundesliga ku garaacay Robert Lewandowski.

Tribal Football ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay si hoose u dooneyso xidigaan, balse aysan wali ku dhiiran iney dar-dar galiso helitaankiida madama ay rajo ka leedahay Alexis Sanchez oo ay aaminsan yahiin iney ku qancin karaan sii joogitaanka waqooyiga London.

Gunners waxey dagaal culus kala kulmi doontaa Liverpool oo si ba’an loola xiriirinayo xidigaan heerka caalami kaas oo la fahansan yahay inuu u riyaaqi karo la midowga Jurgen Klopp oo ay waqti ku wada qaateen Dortmund.

Le Parisien oo laga leeyahay Faransiiska waxey ku warantay in maamulka Liverpool ay ogolaadeen aduun dhan 61 Malyan oo Pound si loo soo iibiyo weeraryahanka reer Gabon.

Sidoo kale Paris Saint Germain iyo Ac Milan ayaa dhinac ka doonaya, balse Tribal Football waxey ku adkeysaneysaa in Gunnes ay u dhaqaaqi doonto Aubameyang hadii ay xal u weyso heshiiska Alexis Sanchez.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments