Falanqeyn: Tottenham v Liverpool & Kulamada Kale Ee Muhiim Ka Ah Ee Maanta La Ciyaarayo Horyaalka Premier League, Waqtiga La Ciyaarayo Iyo Safafka Macquulka Ah

Subax wanaagsan saaxiibayaal, maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka bisha sagaalaad 2018, waxaan hoos idinku soo gudbineynaa dhammaan kulamada laga ciyaarayo horyaalka Premier League iyo waqtiga la ciyaarayo.

Maadama toddobaadkan uu furmi doono xilli ciyaareedka cusub ee Champions League, kooxaha waa weyn oo dhan waxa ay ciyaarayaan maanta oo Sabti ah.

Tottenham v Liverpool

Liverpool si heer sare ah ayey ku bilowday horyaalka xilli ciyaareedkan iyada oo dhammaan badisay afartii kulan ee ay dheeshay. Waxayna dhinac ka heysaa hogaanka horyaalka Premier League:

Waxaa dhaawac uga maqan Alex Oxlade-Chamberlain, Dejan Lovren iyo Adam Lallana. Naby Keita waxaa la filayaa in uu safka ku soo laabto taas oo ka dhigan in Jordan Hemderson kaydka u dhaco.

Dhanka kooxda Tottenham goolhaye Hugo Lloris iyo xiddiga khadka dhexe Dele Alli ayaa la filayaa inay dhaawac ku seegaan kulanka maanta.

Safafka Macquulka Ah:

Tottenham: Vorm; Alderweireld, Sanchez, Vertonghen; Dembele; Trippier, Eriksen, Lucas, Davies; Kane, Son

Liverpool :Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Keita, Henderson, Milner; Salah, Firmino, Mane

Garoonka: Wembley Stadium

Saacadda Geeska Africa: 2:30pm

Newcastle v Arsenal

Arsenal afartii kulan ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan labadii hore waa laga badiyay halka ay guuleysteen labadii danbe. Waxa ay u muuqataa in kulanka St James Park inuu tijaabo u noqon doono tababare Unai Emery oo lagu ogaan doono ilaa iyo heerka ay gaarsiisan tahay inuu la qabsaday horyaalka.

Arsenal toddobaadkan ma qabto wax walaac ah oo ku saabsan dhaawac.

Safafka Macquulka Ah:

Newcastle: Dubravka; Yedlin, Schar, Lascelles, Clark, Dummett; Murphy, Diame, Shelvey, Kenedy; Rondon

Arsenal: Cech; Bellerin, Mustafi, Sokratis, Monreal; Guendouzi, Xhaka; Ozil, Ramsey, Aubameyang; Lacazette

Garoonka: Saint James Park

Saacadda Geeska Africa: 5pm

Manchester City v Fulham

Kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee Manchester City ayaa hal kulan taako loo dhigay waxaana ay aheyd mid ay barbardhac galeen. Tababare Pep Guardilla oo wajahaya Fulham oo ka soo dalacday heerka labaad ayaan dooneynin in kulamada noocaan oo kale ah inuu lumiyo natiijo.

Raheem Sterling ayaa shaki la gelinayaa ka dib markii uu dhaawac uga baxay kulankii ugu danbeeyay ee xulka England. Eliaquim Mangala, Kevin De Bruyne iyo Claudio Bravo waa dhaawac iyagu. Danilo dhaawac canqowga ah ayuu ka soo kabtay waxaana la filayaa in uu dheelo

Safafka Macquulka Ah

Man City: Ederson; Stones, Kompany, Laporte; Fernandinho; Walker, Gundogan, Silva, Mendy; Aguero, Jesus

Fulham: Bettinelli; Fosu-Mensah, Odoi, Mawson, Le Marchand; Zambo Anguissa, McDonald, Seri; Schurrle, Mitrovic, Vietto

Garoonka: Etihad

Saacadda Geeska Africa: 5pm

Chelsea v Cardiff

Chelsea oo uu hoggaaminayo Sarri kaas oo bedelay Antonio Conte ayaa iyaguna wada badiyay dhamaan afartii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen horyaalka Premier League, waxaana ay hogaanka la hayaan kooxda Liverpool.

Cesc Fabregas ayaa weli ku jira soo kabsasho halka Rubun Loftus-Cheek uu dhaawac isna ku maqan yahay. Si kastaba lama filayo in tababare Sarri uu isbedel xoog leh ku sameeyo safka kooxdiisa.

Safafka Macquulka Ah:

Chelsea: Kepa; Alonso, Luiz, Rudiger, Azpilicueta; Kovacic, Jorginho, Kante; Hazard, Morata, Pedro

Cardiff City : Etheridge; Manga, Morrison, Bamba, Bennett; Camarasa, Arter, Ralls, Hoilett; Reid, Ward

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda Geeska Africa: 5pm

Watford Vs Manchester United

Manchester United waxa ay xilli ciyaareedka ku bilowday si aad u liidata iyagoo badiyay labo ka mid ah afartii kulan ay ciyaareen ilaa iyo haatan, halka labada kulan kale laga badiyay.

Waxaa dhaawac ku seegi doona kulanka maanta ee Watford xiddigaha kala ah Ander Herrera, Phil Jones iyo goolhaye Sergio Romero.

Luke Shaw oo ku miirdaboolmay kulankii England iyo Spain ee UEFA Nations League ayaan la fileynin inuu ciyaarayo. Marcus Rashford ayaa isna ganaax seddex kulan ah uu u bilaabanayaa ka dib kaarkii casaanka ahaa ee uu qaatay kulankii Burnley.

Marouane Fellaini, waxa uu u dagaalami doonaa booskiisa kulankan Watford

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Watford: Ben Foster, Daryl Janmaat, Craig Cathcart, Christian Kabasele, Jose Holebas, Abdoulaye Doucoure, Etienne Capoue, Will Hughes, Andre Gray, Roberto Pereyra, Troy Deeney

Manchester United: David De Gea, Antonio Valencia, Eric Baily, Victor Lindelof, Ashley Young, Fred, Nemanja Matic, Paul Pogba, Alexis Sanchez, Romelu Lukaku, Jesse Lingard

Garoonka: Vicarage Road

Saacadda Geeska Africa: 7:30pm

Saadaal ka bixi kulamada kooxaha waa weyn ay ciyaarayaan maanta ee horyaalka Premier League?