Toni Kroos Oo Noqday Ciyaartoygii Ugu Horreeyey Ee Dhaliila Qaab-ciyaareedka Tababaraha Real Madrid

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid, Toni Kroos ayaa saluug ka muujiyey qaab ciyaareedka tababare Julen Lopetegui uu kusoo safay kulamadii guul-darrooyinku kasoo gaadheen.

Kroos ayaa marar dhawr ah laga ciyaarsiiyey khadka dhexe ee difaaca xigta si uu u ilaaliyo goolka, waxaana ay taasi keentay in kooxdu la kulanto guul-darro sababtoo ah, ma aha ciyaartoy dabiiciyan ka ciyaara booskaas.

Kroos oo u warramay wargeyska kasoo baxa dalka Maraykanka ee ESPN, ayaa waxa uu sheegay in uu kasoo horjeedo qorshaha tababare Lopetegui kaga ciyaarsiiyo booskaas.

Isaga oo ka jawaabayay sidii uu u ciyaaray kulankii Athletic Bilabo markii dhexda dambe uu ka ciyaaray, waxa uu si kooban ugu jawaabay: “Ma ihi Casemiro.” taas oo ka dhigan in aanu ku faraxsanayn in tababaruhu halkaas ka ciyaarsiiyo.

Kroos waxa uu tilmaamay in Real Madrid ay ka bixi doonto dhibaatada ay ku jirto sidii horeba u dhacday, sidoo kalena xulka dalkiisu uu kusoo laaban doono meeqaamkiisii kaddib bahdilaaddii ay kala kulmeen Koobka Adduunka.

Xiddigan kubbad qaybtina wanaagsan, waxa kale oo uu u jawaabay halyeygii reer Germany ee Michael Ballack oo tilmaamay inay layaab tahay in xulka Germany uu tababare usii ahaado Joachim Low, waxaana Kroos oo hadalkaas ka jawaabayaa uu yidhi: “Mar walba way jiraysaa kala duwanaanshaha fikirku. Qaar baa ku doodi karaya inay ahayd inuu ka fadhiisto kaddib guushii weynayd, kuwo kalena waxay aaminsan yihiin in guul-darrada kaddib uu waqtiga wanaagsani yimaaddo.”

Kroos ayaa ka mid ah ciyaartooyada aasaasiga u ah Real Madrid muddadii uu joogay, cahdiga cusub ee Lopetigue na marnaba ma waayin booskiisa.