Toni Kroos Oo Doortay Xiddigii Fiicnaa Seddexdii Ciyaaryahan Ee Khadka Dhexe Ee Ingariiska Steven Gerrard, Paul Scholes Iyo Frank Lampard

by Saed Balaleti | Tuesday, Dec 12, 2017

Dooda ku saabsan jiilkii dahabiga ee soo maray England ayaa ah mid had iyo jeer taagan, kaliyana dooda kuma saabsan sababtii ay guulo u gaari waayeen laakiin waxaa sidoo kale laga doodayaa ciyaartoydii ugu fiicneyd?

Su’aasha inta badan la is weydiiyo ayaa ah xiddigii khadka dhexe ee ugu fiicnaa ee Ingariiska: Steven Gerrard, Paul Scholes ama Frank Lampard?

Dhamaan seddexdaan halyeey ee Ingariiska ah waxa ay ku guuleysteen Champions League, waxaana ay xulkooda wadar ahaan u safteen 286 kulan.

Laakiin kumaa fiicnaa? Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid iyo Germany Toni Kroos ayaa ka jawaabay su’aashaas.

Inta badan ciyaartoyda waa ay ka fogaadaan inay ka jawaabaan su’aalaha sidaan tooska u ah, laakiin Toni Kroos ayaa markii la weydiiyay xiddigii fiicnaa Gerrard, Scholes iyo Lampard isagoo ka qeyb qaadanayay barnaamijka su’aalo iyo jawaabo oo Twitter ah waxa uu ku jawaabay Paul Scholes.

Dhamaan seddexda nin ayaa waxa ay haatan la shaqeeyaan hilinka BT Sport oo ay khabiiro ka yihiin, waxaan ay dhawaan yeesheen dood ku saabsan sababta jiilkii dahabiga ahaa ay ugu hungoobeen inay gaaraan halkii laga filayay.

Rio Ferdinand oo doodaas ka qeyb galay ayaa sheegay in xafiiltanka kooxeed ee u dhaxeeyay ciyaartoyda inay sabab u aheyd inuu yaraa isfahamkooda marka ay xulka wada joogaan.

Kroos oo ku guuleystay seddex ka mid ah afartii Champions League ee ugu danbeysay iyo Koob Adduun ayaa aaminsan Paul Scholes uu ahaa xiddiga khadka dhexe ee ugu fiicnaa jiilkii dahabiga ee Ingariiska, maxay kula tahay adiga.

41 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Bashiir m hanshu 14-12-2017 at 12:10 am -

    Sedexduba waa 3 wax qabad iyo qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay
    Oo taariikh da meel kaga qoran kooxihi ay usoo ciyaareen inkasta xulkana ciriiri iyo nasiib koo ku gaabte aysan meel fog iska dii waan galin hadana waa kuwa anan laga iloobi doonin sidee ahaataba lampard iyo p.scholes and St. Gerrard
    Balse tan yaa fiican ah qofba mid baa u fican marka laga fiiriyo taageeraha hadiise miisaan la saaro lampard inta uu garoomada kujire iyo wacdariihiisa waa midka la dhihi karo waa kan ugu fiican suasha meesha taal inkasta uu p.scholes yahay halyeey hadana top score iyo qaabka kubad joojinta waa looga awood badan yahay kaptan G asigana waa mid lamid ah labaduba lkn kubad waa la laadaa ama kooxda kaliya ahaa lagu dhamestaa maaha waxa kaal in lagu galo marka dadka dhaha p.scholes iyo lampard ma gaarayan st Gerrard dib u saxan taageera inaa noqotaan ma xuma lkn wax qoran inaad duugtaan ha isku dayina

  2. Apdi karim 13-12-2017 at 11:07 am -

    aniga waxan aaminsanahy inuu aha lambard

  3. cali 13-12-2017 at 9:54 am -

    gererd

  4. Abdi fatah 12-12-2017 at 9:25 pm -

    Xaqiqda hadi laga hadlo aniga ahan rayigaygu wa p. Schols

  5. Mansuur xajji 12-12-2017 at 9:24 pm -

    SUPER FRANK LAMPARD

  6. Mansuur xajji 12-12-2017 at 9:24 pm -

    Aniga kuma raacsani aragtida toni ee runtii waa sedex lacib oo halyaay ah lkn ciyartoyda marki lais garabdhigayo wxa latixracaa wxuu usoo qabtay qordisa sido kale goals iyo assist run ahaanti wuu kaga sareyaa super frank lampard labada lacib oo kale

  7. Mohamed 12-12-2017 at 8:10 pm -

    kros fikirkisa ku ka hadlay lkn aniga waxan Aaminsanhy inay kala tayo duwanyhiin aniga captain fantastic stevenage giii hogamiye dhab ah ayuu ahaa qaran ama kooxda waa ninka kaliya aan laga iloobi doonin gegida anfield

  8. osman 12-12-2017 at 8:04 pm -

    waa runtiis tp scolis

  9. osman 12-12-2017 at 8:02 pm -

    waxaan laqaba in uusaxay yahay tobi

  10. liibaan 12-12-2017 at 7:41 pm -

    kroos runta kama hadlin ee wx fiicnaa super lampard Waa xidaga kaliya ee qadka dhexe oo goal sha sida sawaariiqda oo kale u dhaliyo

  11. Abdikadir 12-12-2017 at 6:26 pm -

    ciyartoyga waxa la eega assists goolasha iyo cups marka fekerkayga lampard waa dhexda ugu dhalinta badan ingiriiska assistant wuu kabadan yahay lkn sadexduba hadeer wax udhigmaa ma ciyaaran

  12. fatxullh 12-12-2017 at 5:58 pm -

    aniga ahaan waxan qabah poul scholes inuu ahaa isagoona caanku ahaa kubada banaanka laga tuurto

  13. Ahmed Mohamed Qorax 12-12-2017 at 5:44 pm -

    Ani waxan Aaminsanahay in u ahaa paul scholes

  14. Galaydh 12-12-2017 at 5:35 pm -

    HHH anigu Waxman odhan lahaa waa scholes waxaana makhraati cad u ah tirada badan ee koobabka uu ku guulaystay
    2aad waa Gerard
    3aad lampard
    Dadkii wakhtigiisii daawanjiray kali ah ayaa garan kara. Lampard kulahaa dadka qaarkood

  15. Geedi rooble geedi 12-12-2017 at 4:41 pm -

    Aniga wxn qaba in waqtigaas uu ahaa dhexda u gu wng san C.G

  16. Mohammet 12-12-2017 at 3:34 pm -

    Frank lampard ban rayi ahaan odhan lahaa ani

  17. mahamed yare 12-12-2017 at 2:49 pm -

    Ani ahaantay was faranka lumpad

  18. ahmet Gb 12-12-2017 at 2:13 pm -

    Anih waan ku raacsanaHey
    Xidiga kHadka dHexe zanadkaN ugu fCm
    fikirkiiza

  19. siciid mohamed 12-12-2017 at 2:06 pm -

    toni krooz muu shegin kubada caalamka baa markhati ka ah , xavi waaa ninki uu ku deyan jiray scholes waqtigana waxa la qaab ciyareda luka modric oo lagu soo xasusta hananki kubaded e khadka dhexe

  20. yaxye 12-12-2017 at 2:04 pm -

    toni kroos waxa uu kahadlay fikirkisa wuu na ku sax san yahay in uu soo bandhigo lkn aniga ku ma raacsani taas school waa lacib qatar badan lkn quf walba quf ayaa ka fiican waana super frank lambard dhiiga englan

  21. abdikhaliif 12-12-2017 at 1:35 pm -

    Steven Gerard

  22. zadaam cali jamac 12-12-2017 at 1:34 pm -

    aniga waxaan qabaa scholes cid lamida lama Arab

  23. Bk super 12-12-2017 at 1:27 pm -

    Runta haddii laga hdlo waa sadex laacib lkn wala kala wax gabad fcnyahay ani ahaantey scholes waye toni kroos wankugu racay

  24. Faarah 12-12-2017 at 1:25 pm -

    Kuma raacin. Aniga waxaan qabaa inuu ahaa @Steven_Gerrard

  25. Faarah 12-12-2017 at 1:24 pm -

    Aniga ahan waxaan qabaa inuu ahaa @Stive_Gerrard

  26. Adnan Abdi Ali 12-12-2017 at 1:23 pm -

    Toni Koros Codkisa Wa Ku taagersanhy Xa Yeely Poul Scholes Wa Qadki Dhxe ugu Fiicna Wayhisi Ciyared E.P.L ka

    Poul Scholes

  27. saeed adare 12-12-2017 at 1:23 pm -

    aniga wxn odhan lahaa toni kroos waa ku saxsanyahay fikirkas anna waan la qabo waayo school labada nin ee kale meelkasta oo tariikhda priema legue ah wuu kaga horeeya ma jirto halme meel oo ay kaga horeeyaan kubad ahaana wuu ka wngsnaa labadodaba wxuna ka mid ahaa dadkii sababta u ahaa guulihii xidhiidhka ahaa ee man utd

  28. Mohammed 12-12-2017 at 1:18 pm -

    Haddii schools iyo Lampard aay joogi ahaayeen Liverpool

    Waxeey lamid ahaan ahaayeen lenon
    Wax taariiq ahna Kama tagi lahaayn

    Dabcan haddii lafiiriyo kooxaha Waa laisgarab dhigi karaa

    Lkn shaqsi markii loo qeemeyo Gerrard wuu kaduwanaa iyaga.

    Tusale Lampard marku city yimid Maxaa dhacay

  29. Mohammed 12-12-2017 at 1:15 pm -

    Majiro mid lagarab dhigo Gerrard sadaxdaba waxeey ahaayeen kuwo tayo fcn leh Lkn Gerrard wuxuu ahaa mid qaas ah

  30. barkhad tayo 12-12-2017 at 1:09 pm -

    anigu rayi ahaan kuma taagersani waxan odhan lahaa waxa weeyey super frank Lambard

  31. Daha 12-12-2017 at 1:09 pm -

    Inkasta oo ay sedex laacib ahaayeen hadana captain fantastic wuu ka duwanaa labada kale SG

  32. Ahmednour wiil blues 12-12-2017 at 1:07 pm -

    T.kroos waa fikirkiisa waan tagernimadiiza lkn aniga ahaan iyo ciyaartoy ahaanba hadan isku dayo sedaxdaa nin kan fiican waa #franka___Lamapard

  33. Mirecabdulahi cali cabdi 12-12-2017 at 1:04 pm -

    Waxan qabaa english ka soma marin ninka fiican steven gerarrend halyey kudayasha mudan hogamiye dhab ah

  34. zuper boy zupeer 12-12-2017 at 1:00 pm -

    waxaan u vote-yay ama ucodeeayay oon codka dheer ku doortay zcholes

  35. maxamed cali wadaad 12-12-2017 at 12:55 pm -

    waxaa laa cib sen scoles kroos waa run tii been ma sheegin

  36. Gâdh Lïpaax gobo 12-12-2017 at 12:54 pm -

    marka laga hadlayo ciyaaryahan waxa la eegaa lana tix raacaa waxa uu soo qabtay ee uu kooxdiisa la gaadhay haday tahay horyaal iyo mid eurupe kadib markaas ayay cadaanaysaa midka fiican aniga ahaan waxan qabaa halyeeyga man united♥paul scholes♥

  37. Ciise Qalinle.👌🏻 12-12-2017 at 12:45 pm -

    Runtii toni aragtidiisa ayuu kahadlay waxaa laga yaabaa in uusan kawarqabin sedexdaa ciyaariyahan hadba sida ay kala yahiin Scholis waa laacib lkn magaari karo Steven Gerard taa micnaheeda maaha inaan lfc taageero Hadana xaqiiqda ayaa sidaa ah,

  38. faahiye 12-12-2017 at 12:44 pm -

    waa runtii waa scolis

  39. Ali afrah 12-12-2017 at 12:29 pm -

    ANIGA ARAGTIDEEDA WAA LAACIBKA WEYN EE STEVEN GERRARD

  40. Ali afrah 12-12-2017 at 12:27 pm -

    ANIGA ARAGTIDEEDA WAXA WAAYE LAACIBKA WEYN STEVEN GERRARD DADKA INTA BADANA WAA ILA QABAAN

  41. mahamad 12-12-2017 at 12:24 pm -

    super frankie Lambard ciyaryahn ingirska kuleh mucjisoyin labada kale xaar kuhayan mesha