Tirada Kooxaha Waa Wayn Ee Ku Loolamaya Saxiixa Gool Dhaliyaha Torino Ee Andrea Belotti Oo Sii Kordhaya.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Waxaa sii kor dheysa tirada kooxaha waaweyn ee qaarada yurub ee ku loolamaya helida saxiixa dhaliyaha reer talayaani iyo kooxda Torino Andrea Belotti inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga si ay ugu buuxistaan weerarkooda kahor inta aan la gaadhin bilawga xili ciyaareedka cusub.

Sida ay baahinayaan wargeysyada kooxda Paris Saint – Germain ayaa waxay diyaar u tahay inay lasoo saxiixato Andrea Belotti, xili uu laacibkan wada hadalo kula jiro kooxaha AC Milan iyo Chelsea.

Waqrgeyska Daily Star ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in adeega Andrea Belotti sidoo kale laga doonayo kooxda Paris Saint – Germain, maadaama uu qaabciyaareedkiisa si weyn ugu qanacsan yahay tababaraha reer Spain ee Unai Emery.

Paris Saint – Germain ayaa haatan wada qorsho ku aadan in saxiixa Andrea Belotti ay u diyaariso inay kusoo gaba gabeyso qiimo lacageed gaaraya ilaa iyo 70 million euros, si ay u hesho xili ciyaareedka soo aadan adeegiisa.

Laakiin qiimaha lagu bur burin karo heshiiska uu Andrea Belotti kula jiro kooxdiisa reer talyaani ee Torino ayaa gaarsiisan aduun dhan 100 million euros, hadiiba ay dhacdo inuu u dhaqaaqayo koox ka baxsan gudaha dalka Talyaaniga.

Sidoo kale kooxda reer London ee Chelsea  ayaa waxay dhankeeda isku dayeeysaa inay ka dulqaado dhamaanba kooxa ku loolamaya saxiixa Belotti, kadib markii uu ku dhawaaday Diego Costa inuu ka dhax baxo garoonka Stamford Bridge, halka sidoo kale Romelu Lukaku oo ay ka dhiganeysay bar-tilmaameed uu ku biiray safka Manchester United.

Si kastaba Andrea Belotti ayaa xili ciyaareedkii dhawaan soo idlaaday wuxuu ka dhaliyay kulamada horyaalka Serie A 26 gool, taasoo ka dhigtay xidiga 3aad ee ugu sareeyay gool dhalinta. Xili safka kooxdiisa Torino uu kusoo caga dhigtay sanadii 2015 aduun dhan 6 million pounds oo kaliya, wuxuuna xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay uu dhaliyay 12 gool.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments