Thierry Henry Oo Magacaabay Xiddiga Uu La Doonayo Inuu Hanto Kabta Dahabka Gooldhalinta Premier League.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Halyeeygii hore Arsenal Thierry Henry ayaa doonaya in Mohamed Salah uu ku guuleysto kabta dahabka gooldhalinta, balse wuxuu dareensan yahay in Harry Kane uu yahay xidig aan sinaba looga guuleysan karin.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa si lama filaan ah tartanka gooldhalinta Premier League ugu soo biiray maadaama uu dhaliyay 22-gool, waana kan labaad ee ugu badan isagoo kaliya hal ka hooseeya Harry Kane sidoo kalana hal ka sareeya Sergio Kun Aguero.

Thierry Henry oo 175-gool ka dhaliyay Premier League, sidoo kalana afar jeer ku guuleystay biladda kabta dahabka ayaa doonaya markaan inuu arko Mohamed Salah oo kor u qaadaya.

“Waxaan jeclaan lahaa inuu Mohamed Salah ku guuleysto” ayuu yiri Henry.

“Kaliya waa sheeko fiican, waana sheeko weyn”

“Harry Kane sidoo kale sababtoo ah wuxuu ku guuleysan karaa sanadkii sadexaad oo xiriir ah, iyana waa sheeko weyn”

“Balse, Mohamed Salah, ma xasuusto ciyaariyahan sidiisa oo kale u ciyaaray xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay”

“Dadka qaar ayaa ii sheegaya inuusan aheyn kii ugu horeeyay maadaama uu Chelsea u ciyaaray, balse kaas naga daa, kan ayaa ah kiisii ugu horeeyay”

“Waxaan filayaa inuu ciyaarta kusoo kordhiyay wax kale, waan jeclahay habka uu u ciyaaro, balse Harry Kane ayaa meesha jooga”

4 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Maxamed ilkacaze 13-02-2018 at 6:10 pm -

    Mo salah ayan jeclan laha inu ku gulaysto wanu ku gulaysanaya insha Allah

  2. baba lohar siin 13-02-2018 at 6:07 pm -

    waxan aad iminka kahadlaysan waa cadaan lkla qaad waxna qaday mohmed salah maydin dawanayn miyaa

  3. mahammed 13-02-2018 at 5:21 pm -

    salah ama kun ogweero ayaa leh

  4. ahmed 13-02-2018 at 1:51 pm -

    Mohamed salah ayaan jelahay inuu ku guulasto balse Hery kane waa gool dhaliye cajiib ah lkn sanadkaan salah ayaa ku guulaysanaya insha allah