Theo Walcott Oo Buuga Dhacdooyinka Layaableh Ee Aduunka Ee Guinness Book of Records Ku Galay In Uu Kaantaroolay Kubbad Laga Soo Tuuray 34 Mitir Oo Sare

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Xidiga xulka qaranka England iyo kooxda Arsenal ee Theo Walcott ayaa la wareegay rekoodhka aduunka ee ciyaartoyda kaantarooshay kubbadaha meelaha sare laga soo tuuro, wuxuuna Walcott si rasmi ah u noqday ciyaartoyga rekoodhan haysata kadib markii uu maamulay in uu dhulka ka joojiyo kubbad laga soo tuuray meel 34 mitir dhulka ka saraysa isla markaana uu sare hayay ugu yaraan shan taabasho.

Theo Walcott

Rekoodhka uu Walcott jabiyay ayaa ahaa 32 mitir wuxuuna rekoodhkan ku dhigay isaga oo la tartamayay ciyaartoyda kooxdiisa Laurent Koscielny, Francis Coquelin iyo Nacho Monreal. Wuxuuna Walcott arintan ku galay buuga dhacdooyinka layaableh ee aduunka ee loo yaqaan Guinness Book of Records.

Theo Walcott

Afhayeenka Betfair oo ah shirkada samaysa tartanka kaantaroolka kubbadaha meelaha sare laga soo tuuro ee  Harry Phillips ayaa Walcott gudoonsiiyay shahaadada uu rekoodhkan ku dhigay. Haddaba halkan ka daawo muuqaalka qaabkii uu Theo Walcott rekoodhkan ku gaadhay.

Like it? Share it!

Leave A Response