Tababare Zinedine Zidane Oo Xaqiijiyay In Cristiano Ronaldo Uu Nasin Doono Kulanka Copa Del Rey Ee Ay Madrid La Ciyaari Doonto Kooxda Cultural Leonesa

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in xidiga koodiisa ee Cristiano Ronaldo ayaanu ciyaari doonin kulanka Real Madrid ay Bernabeu  ku soo dhawayn doonto kooxda  Cultural Leonesa ee lugta labaad ee Copa del Rey. Wuxuuna Zidane oo doonayaa in Ronaldo uu u sii nasto kulanka sabtida ee El-Clasico-da.ronaldo

Laakiin Zidane ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xidiga dhaawaca ka soo laabtay ee Casemiro uu door ku yeelan doono kulanka Copa Del Reyga. Real Madrid ayaa hadda labada lugoodba kula jirta wareega 16 ka kooxood ee Copa Del Rey kadib markii ay 7:1 ku soo xasuuqday kooxda ay soo dhawaynayso ee Cultural Leonesa, wuxuuna Zidane haystaa fursad wayn oo uu xidigaha muhiimka ah ku nasin karo.casemiro

Zinedine Zidane oo ka hadlaya in Ronaldo uu kulanka arbacada nasin doono iyo in Casemiro uu daqiiqado ka ciyaari doono ayaa yidhi: “Kulanka arbacadu waxa uu fursad u yahay Ronaldo si uu nasiimo u qaato.Casemiro waxa uu heli doonaa daqiiqado, waxayna noqon doontaa soo laabashadiisii ugu horaysay, sidaa daraadeed waa in aanu aragno sida uu dareemo kulanka sabtida,laakiin xaqiiqdii waxa uu diyaar u yahay in uu ciyaaro”.

Like it? Share it!

Leave A Response