Tababare Unai Emery Oo Magacaabay Shanta Xiddig Ee Kooxdiisa Gunner U Xiran Karta Calaamadda Hogaanka.

Tababare Unai Emery ayaa magacaabay shan xiddig oo kooxdiisa hogaamin karta ka hor kulanka ay wiilashiisa la ciyaari doonaan difaacdayaasha horyaalka, wuxuuna si fiican u adkeeyay in mar walba Laurent Koscielny uu yahay kabtankiisa dooqa koowaad.

Daafaca reer France ayaa muddo badan dhaawac kaga maqnaan doona garoomada, balse kulanka axadda waxaa kabtan noqon doona goolhaye Petr Cech oo ka mid ah liiska ciyaartoyda ugu waaya aragsan kooxda.

Emery wuxuu mari doonaa tijaabada ugu adag labadiisa kulan ee ugu horreysa horyaalka Premier League maadaama uu la ciyaari doono kooxaha Chelsea & Manchester City, iyadoo ay taasi jirto ayuu si hordhac ah u sheegay hogaamiyayaashiisa fasalkaan.

“Kabtanka kooxda waa Laurent Koscielny. Kadib waxaan u sheegay ciyaartoyda iney noqon karaan Petr Cech, Aaron Ramsey, Mesut Ozil iyo Granit Xhaka” ayuu yiri Unai Emery.

“Waayaheyga waxaan doonayay iney kooxda lahaato hogaamiyeyaal, bandhigga xiddig walba iyo in waqti walba oo ka mid ah fasalka aan lahaano awood aan sidaas ku sameyn karno”

Taas darteed, waxaa laga yaabaa in sidoo kale ay kooxda leedahay hogaamiyayaal badan oo banaanka soo dhiga awoodooda”