Tababare Pep Guardiola Oo Ciyaartoydiisa Ugu Hanjabay Inuu Dili Doono Hadii Midkood Uu Is Cajabiyo Inta Lagu Jiro Xilli Ciyaareedkaan.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Nov 20, 2017

Tababare Pep Guardiola ayaan dooneynin in ciyaartoydiisa is cajabiyaan isla markaana isku arkaan kuwa goor hore ka tagay kooxaha kale ee horyaalka, wuxuuna ugu hanjabay inuu dili doono xidigii sidaas sameeya.

Manchester City ayaa sii waday hanaankeeda wanaagsan ee horyaalka Premier League kadib markii ay 2-0 ku dileen kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power Stadium iyadoo kaga mahad celineysa Kevin De Bryne iyo Gabriel Jesus.

Wiilasha Pep Guardiola waxey guuleysteen 11-ka mid ah 12-ka kulan ee ay ciyaareen, waxeyna si wadajir ah u dhaliyeen 40-gool iyadoo kaliya laga dhaliyay 7-gool iyadoo taas ay ku hogaamisay iney 8-dhibcood ka sareeyaan dariskooda Red Devils oo kusoo xiga.

Macalinkii hore Barcelona & Bayern Munich wuxuu aaminsan yahay ineysan jirin sabab ay isku cajabiyaan wiilashiisa xitaa hadii ay ku jiraan qaab ciyaareedka ugu wanaagsan.

“Taasi ma dhici doonto, sababtoo ah aniga ayaa macalin u ah” ayuu yiri Pep Guardiola.

“Kooxda sidaas ma sameyn doonto, waan dili doonaa dhamaantood, is mahdinta marnaba kama dhici doonto kooxdeyda”

“Waxey u ciyaari karaan si xun, kooxaha ayaa ka adkaan kara, taasi waa dhici kartaa”

“Balse hadii aad kooxda u aragtid, iney leeyahiin rabitaan ay kubadda ku ciyaaraan, ma nihin koox la qiyaasi karo gabi ahaan, taasina ma dhici doonto”