Tababare Luis Enrique Oo Saxaafada Spain Ku Weeraray In Ay Buun Buuniyeen Qaab Ciyaareedka Aan Fiicnayn Ee Kooxdiisa Iyo Enrique Oo Sheegay In Iniesta Uu Diyaar Yahay

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa saxaafada Spain ku eedeeyay in ay buun buuniyeen qaab ciyaareedka aan fiicnayn ee kooxdiisa, wuxuuna xusuusiyay in xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ay sidan oo kale u buun buuniyeen qaab ciyaareedkii liitay ee ay kooxdiisu ku bilaabtay balse ay saddexda koob ku guulaysteen.

Enrique ayaa sheegay in kooxdiisu ay  u baahan tahay in ay horumar samayso balse waxa uu sheegay in ayna u xumayn sida ay saxaafada Spain u buun buunisay. Enrique ayaa sidoo kale sheegay in kabtanka kooxdiisa Andres Iniesta uu diyaar yahay in uu ciyaaro balse kulanka Copa Del Rey aanu safan doonin.barca

Tababare Luis Enrique oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Copa Del Rey-ga ayaa yidhi: “Anigu xaalada waan fahansanahay, si cadaan ah waxaa waajib nagu ah in aanu horumar samanyo, dhamaantayo waxaanu ka war qabnaa arintan, laakiin kaliya waxaa naga maqan  joogtaynta, mana jirto sabab idinka saxaafada ahi aad u buun buunisaan”. enrique

Enrique ayaa saxaafada ka soo xaadirtay shirkisia jaraa’id xusuusiyay qaabkii xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay loo eedeeyay iyo wixii ay qabteen wuxuuna yidhi: “Xusuusta, wax la mid ah ayaa dhacay sanadkaygii ugu horeeyay isla markaana waxaanu ku guulaysanay saddexda koob. Waa tartan soo jiidasho leh, waxay ujeedadayadu tahay in aanu markale koobka ku gulaysano si la mid ah labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay”.enrique2

Intaa kadib Enrique ayaa ka hadlay xaalada kabtanka kooxdiisa ee Iniesta wuxuuna yidhi: “Iniesta miyaa? Andres wuu fiican yahay, wuxuuna sugayaa in caafimaadkiisa la xaqiijiyo, waa arin ku xidhan rasmi ahaanta. Ma ciyaari doono kulanka arbacada laakiin waxa uu diyaar u yahay El Clasico-da”.

Barcelona ayaa  kooxda Hércules marti ugu noqon doonta Estadio José Rico Pérez iyada oo sanadkii 1974 kii garoonkan markii la furayay Barcelona marti ku ahayd, waxanaa la filayaa in Enrique uu si wayn shaxdiisa isbadal ugu samayn doono.

Like it? Share it!

Leave A Response