Tababare Jurgen Klopp Oo Haatanba Doortay Xiddiga Uu Kooxdiisa Kusoo Xoojin Doono Suuqa Bisha January Iyo Kooxda Juventus Oo Ku Cidhiidhinaysa.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u muuqda mid haatanba suuqa ka calaamadsaday hal ciyaartoy oo uu doonayo inuu kooxdiisa kusoo xoojiyo suuqa bisha January walow ay kooxda Juventus tahay mida kaliya ee ku garbin doonta.

Klopp ayaa xiddiga khadka dhexe ee Napoli ee Piotr Zielinski. u arka mid si weyn u anfacaya kooxdiisa waxaana uu haatanba diyaar u yahay inuu si dhakhso leh ugala xaajoodo kooxdiisa, Madaxweynaha Napoli ee Aurelio de Laurentiis ayaa la filayaa inuusan marka hore si fudud ku fasixin xiddigan.

 

Aurelio de Laurentiis oo ah madaxweyne ku caan baxay wada xaajoodyo adag ayaa ugu yaraan ku dalban doona xiddigan lacagaha qandaraaskiisa haatan lagu jabin karo ee 57-ka Milyan ah.

De Laurentiis ayaa ugu horreyn doonaya inuu kooxda kusii hayo Zielinski isla markaana uu ka saxeexo qandaraas cusub oo lacagaha heshiiskiisa gaadhsiin doona 114 Milyan oo ah laba jibaarka qiimaha qandaraaskiisa haatan balse haddiiba uu diido heshiiskaas waxa ugu yaraan lagu fasaxi doonaa 57 Milyan.

Liverpool ayaa ku dhibtoon doonta inay xiddigan si fudud kula soo saxeexato haddiiba uu qandaraaska u kordhiyo Napoli isla markaana lacagaha heshiiskiisa la gaadhsiiyo 114 Milyan.

Sidoo kale Reds kaliya kama werwer qabto sarre u kaca uu samayn karo qandaraaska xiddigu balse waxa dhibaato kale ku abuuri karta kooxda Juventus oo dhinaceeda tartanka kaga jirta.

Si kastaba ha ahaatee, Jurgen Klopp ayaa u muuqda mid aan wali ku qanacsanayn xiddigaha khadka dhexe ee uu suuqii xagaaga keensaday ee Naby Keita iyo Fabinho kuwaas oo wali aan si fiican ula qabsan horyaalka Premier League.