Tababare Jose Mourinho Oo Shaaciyay Go’aankiisa Kaga Aadan In David de Gea Uu Isaga Tagayo Iyo Uu Old Trafford Sii Joogi Doono Xili Ciyaareedka Soo Socda.

by Mohamoud Batalaale | Friday, May 19, 2017

Tababare Jose Mourinho ayaa ka hadlay sida uu ugu kalsoon yahay in goolhaayaha reer Spain ee David de Gea uu sii joogi doono garoonka Old Trafford xili ciyaareedka soo aadan, in kastoo ay jiraan weeraro xoogan ee kaga imaanaya dhanka kooxda Real Madrid.

Macalinka reer Portugal ayaa wuxuu qiray mar uu la hadlayay  shabakada “Sky Sports” in goolhaayaha reer Spain uusan ciyaari doonin kulanka soo aadan ee Crystal Palace wuxuna sii sheegay inuu kusoo bilaawan doono goolhaayaha da’ada yar ee Joel Castro Pereira, xili kulanka finalka Europa League ay kula balansan yihiin Ajax 24 MAY uu sidoo kale dhanka shabaqa lagu soo bilaawi doono Sergio Romero. Taasoo ka dhigeysa in de Gea uu kazoo muuqan doonin safka kooxda Unitedka inta ka harsan xili ciyaareedkan.

Jose Mourinho ayaa wuxuu yidhi: “David de Gea waa mid ka mid ah goolhaayayaasha ugu wanaagsan kubada cagta aduunka, Man United waxaa ka go’an inay heysato dhamaan xidigaha muhiimka u ah, taasi wax shaki ah kuma jiro”.

Inkastoo ay jiraan warar ku aadan in maamulka kooxda Real Madrid ay si weyn ugu raad joogaan saxiixa David de Gea, hadana Jose Mourinho ayaa kalsooni weyn ka muujinaya in xidigan uu kusii nagaan doono Old Trafford xili ciytaareedka soo aadan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments