Tababare Jose Mourinho Oo Kaliya Hal Shuruud Ku Fasixi Doona Anthony Martial Hadii Ay Lagama Maarmaan Noqoto In La Iibiyo.

Tababare Jose Mourinho ayaan dooneyn inuu iibiyo ciyaariyahankiisa reer France Anthony Martial, balse maankiisa badali kara hadii ay Red Devils hal shuruud kasoo baxdo sida ay warinayaan warbaahinta Ingiriiska.

Martial ayaa qaatay fasal ciyaareed aad u adag kadib markii uu waayay boos joogto ah, waxeyna xaaladda kusii xumaatay markii uu January kusoo biiray kooxda xiddiga mushaarka ugu badan kooxda ka qaata ee Alexis Sanchez.

Inuusan wax badan u ciyaaarin kooxdiisa waxey keentay inuu waayo ka qeybgalka koobka Aduunka maadaama Didier Dechamps uu watay ciyaartoy inta badan safka hore ka ah kooxahooda.

Wakiilka Anthony Martial ninka lagu magacaabo Philippe Lamboley ayaa shaaca ka qaaday inuu dulqaadkii ka dhamaaday da’yarka isla markaana uu ka bixi doono Old Trafford.

“Kadib markii aan ka fakarnay dhamaan waxyaabaha suuragalka ah, Anthony wuxuu doonayaa inuu ka huleelo Old Trafford” ayuu yiri Philippe Lamboley oo la hadlayay RMC.

Kooxo badan oo qaaradda yurub ah ayaa doonaya xiddigaan waxaana ka mid ah Tottenham Hotspur iyo Juventus, kuwaas oo si fiican ugu qancay hanaan ciyaareedka xiddiga reer France.

Red Devils ma dooneyso iney xiddigeeda da’da yar fasaxdo, balse xaaladda ayaa kusii xumaaneysa maadaama kaliya 12-bilood uu kaga harsan yahay qandaraaskiisa.

Jose Mourinho wuxuu maamulka Red Devils ku wargaliyay inaan la iibin Martial, ama loo balan qaado in lacagaha lagu iibiyo farta laga saari doono si uu badalkiisa ugu soo iibsado.