Tababare Guardiola Oo Helay Badalka Alexis Sanchez Haddii Ay Kooxdiisa Man City Iyo Gunners Heshiis Gaadhi Wayaan- Waakee Xidiga Uu Guardiola Helay?

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Jan 10, 2018

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayay ka go’antahay in uu suuqa bishan January kooxdiisa xoojin u sameeyo maadaama oo ay ku jirto dhamaan afartii tartan ee ay xili ciyaareedkan ku bilaabtay, wuxuuna ugu horayn doonaa in uu Etihad Stadium kula midoobo Alexis Sanchez balse macalinka ree Spain ayaa arkooday xidiga uu Sanchez badalkiisa ka dhigan karo haddii ay Manchester City iyo Arsenal ka heshiin waayaan xaalada Sanchez.

Wargayska Express Sport ayaa sheegay in macalinka ree Spain uu Alexis Sanchez ku doonayo 35 milyan pound balse haddii uu heshiiskani dhamaystirmi waayo uu u dhaqaaqo saxiixa xidiga PSG amaahda kaga maqan ee Goncalo Guedes kaas oo isku muujiyay kooxda Valencia.

Guardiola ayaa si wayn tan iyo xagaagii la soo dhaafay u doonayay adeega Alexis Sanchez kaas oo 60 milyan Pound ugu soo biiri gaadhay maalintii suuqii xagaaga ugu danbaysay laakiin haddii ay markale dhacdo in Man City ay la soo saxiixan waydo Sanchez ayay markaas u dhaqaaqi kartaa Goncalo Guedes oo ay sidoo kale Valencia doonayso in ay heshiiskiisa maahda ah ka dhigto mid rasmi ah.

Wargayska ree Spain ee Don Balon ayaa sheegay in tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola uu aad ula dhacsan yahay Goncalo Guedes oo PSG amaah kaga maqan isla markaana ka tirsan kooxda Valencia, wuxuuna 21 sano jirkani noqon karaa mid door muuqda waqti dheer ku yeelan kara Manchester City-da uu Guardiola ka aas aasay Etihad Stadium.

Xidiga ree Portugal ee Goncalo Guedes ayaa go’aan ku gaadhay in uu isaga baxo garoonka Parc des Princes markii ay kooxdiisa PSG ay heshiiskii Neymar Jr dhamaystirtay isaga oo aan marnba fursada uu Valencia ka helay aan hore uga soo helin kooxda uu amaahda kaga maqan yahay ee PSG.

Valencia ayaa PSG kula jirta heshiis u ogolaanaya in qandaraaska amaahda ah ee Goncalo Guedes ay kadhigi karto mid rasmi ah taas oo Guardiola iyo Manchester City xaalada ku adkayn karta.