Tababare Didier Deschamps Oo Magacaabay Liiska Xulka Qarankiisa France Ee Kulamada Caalamiga Ah Ee Bisha June Iyo Kylian Mbappe Oo England Ka Hor Imanaya.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, May 18, 2017

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa uga qayb gali doonta kulamada caalamiga ah ee bisha June la ciyaari doono. France ayaa kulamo saaxiibtinimo la ciyaari doonta xulalka qaramada Paraguay, Sweden iyo England.

Da’yarka ay kooxaha Premier leaque-gu u waalanayaan ee  Kylian Mbappe ayaa fursad u heli doona in uu England kaga horyimaado ciyaartoyda kooxaha Premier Leaque-ga wuxuuna 18 jirkani ku soo baxya liiska xulka qarankiisa Frnace ee kulamada caalamiga ah ee dhawaan la ciyaari doono.

France ayaa June 2 la ciyaari doona xulka qaranka Paruguay halka isla June 9 ay la ciyari doonaan Sweden waxaanay June 13 marti galin doonaan xulka qaranka England. Kulamadan ayaa la ciyaari doonaa marka uu soo dhamaado xili ciyaareedkan ay maalmuhu ka hadhsan yihiin inkasta oo France iyo Paraguay ay ciyaari doonana maalin ka hor finalka Champions Leaque-ga.

Waxaa liiska xulka qaranka France ku soo baxay Laurent Koscielny iyo  Olivier Giroud oo Arsenal ka tirsan iyo xidigaha Manchester United iyo Chelsea ee Paul Pogba iyo N’Golo Kante si la mid ah Hugo Lloris iyo Moussa Sissoko oo Totenham ka wada tirsan.

Liiska Xulka Qaranka France Oo Dhamaystiran:

Goolhaye: Areola, Costil, Lloris.

Difaaca: Digne, Jallet, Kimpembe, Koscielny, Mendy, Sidibe, Umtiti, Varane, Zouma.

Dhexda: Kante, Matuidi, Pogba, Rabiot, Sissoko, Tolisso.

Weerarka: Dembele, Giroud, Griezmann, Lacazette, Lemar, Mbappe, Payet, Thauvin.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments